|

Ma Jiro Nidaam Hufan oo Lagu Ogaan Karo Lacagaha Qaadhaan Uruurinta ee Xaafaha Magaalooyinka Dalka laga Gurayo ‘’Albaab Ilaa Albaab’’ (WARBIXIN)

Hargaysa 23. May 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Magaalooyinka Dalka ka socda Qaadhaan Uruurin ay Bulshada qaybaheeda kala duwan ka qayb qaadanayso taas oo loogu talo galay inay qayb ka noqoto Dhaqaalaha loo qorsheeyay in Lagaga Soo kabto laguna Xooleeyo Xoola dhaqatada Somaliland ee Ku Caydhoobay Abaartii adkayd ee dalka soo martay.

Inkasta oo Isku daygani yahay Mid dhiirigelin u baahan hadana waxaa Muuqata gal daloolooyin badan oo wehel la ah Isla markaana hadii aan la sixin dhaawici kara habka dhaqaale uruurinta,Waxyaabaha arrintaas u daliilka ah waxaa ka mid ah in Dhallinyaradda Lagu qoro inay Lacagaha ka soo Uruuriyaan degmo ka mid ah Caasimada hargaysa  Kooxdiiba laga dhigay 5 Xubnood oo leh Gudoomiye iyo Khasnaji Waxay Guri kasta oo ay lacag ka qaadaan ay Qoraal ku samaynayaan qadarka lacageed ee uu bixiyey hadii uu Adeegyada Zaad amase E-Dahab Ku diro waxay lacagtaasi toos ugu dhacaysaa Accoun-nada Guddida qaadhaan uruurinta laakiin hadii Kash amase Lacag cad loo Dhiibo waxa qaadaya Shantaas Xubnood inkasta oo dhallinyarada guraysaa ay u badan Yihiin dhallinyaro fahamsan Culayska amaanada hadana way dhici kartaa Kuwo Si Khaldan uga faa’iidaysta,maadaama aanu jirin Nidaam Sax ah oo lagula Xisaabtami karo hadii dhaqaale la soo qaaday aan la soo xarayn isla markaana ay Koox kastaa iyadu soo buuxsanayso Foomka loo dhiibay.

Si kastaba ha ahaatee Waxaa ku Waajib ah Guddida Qaadhaan Uruurinta inay Sameeyaan nidaam isla xisaabtan leh oo ay raacaan kooxaha dhallinyarada ee hawshan loo xilsaaray,Sidoo Kale Goobo aanu kula Kulanay dhallinyarada Qaadhaan uruurinta waday oo u badnaa Hablo ayaa sheegay in aanay la socon Wax Ciidan ah oo Ilaaliya Isla markaana ay dhici karto in Ciyaalada rabshadaha sameeya ay ka qaadaan Tabarucaadka ay soo Uruuriyeen ee amaanada ah,Iyagoo intaas ku daray inay arintan la socodsiiyeen Dallada dhallinyarada Sonyo ee hawshan isu xilsaartay ilaa iminkana aanay ka hayn wax jawaab ah.

Comments are closed