|

“Ma Jirto Meel Xisbiga Iyo Xukuumaddu Ku Hadal hayaan in Gudoomiyaha Kulmiye Iyo Murashaxa la Kala Qaado oo Maan arag’’ Wasiir Caddami

Hargaysa 02.Novembar 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami ayaa ka hadlay xaalada ay Xisbiyada dalku ku sugan yihiin, waxaanu kula taliyey Xisbiyada inay iska dayaan wixii khilaaf ah oo ay isku duubadan, waxaanu soo jeediyey in aan lagu farxin Xisbiga dhibaataysan ee la isku dayo in dhibka laga saaro.

 

cadamiWasiirka Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn  isagoo ka hadlaya  loolanka la sheegay in loogu jiro jagada Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye yidhi “Meel Xisbigu ku hadal hayo ama ay Xukuumaddu ku hadal hayso, in la kala saarayo Guddoomiyaha Kulmiye iyo Musharaxa Madaxweyne oo la leeyahay Raggii baa isku batay ee ha la kala saaro maan arag,laakiin Warbaahinta ayaan ku arkay”.

Wasiir Caddami mar uu ka hadlaayey xaalada Xisbiyada iyo baaq uu u diraayey ayaa yidhi “Xisbiyadu waa bir finiin ka hadhay, waxay danta dalka iyo dadkuba ku jirta, oo Beesha Caalamku aamisan tahay oo wax ku bixinayaan in marka hore Axsaabtu jirto, oo Muxaafid iyo Mucaaridba jiraan, tartanka Doorashado waa wax maalin iyo laba maalmood qaadanaysa, waxaana guulaysanaya cidii dadaal badata ama ALLE u qorey, balse  Dimuqraadiyada iyo Geedi socodka lagu jiro waxay ku hirgali karaan inay Axsaabtu jirto, laakiin waa in aan lagu farxin Xisbigii ay dhibaato soo gaadho, waxaana lagu jira wakhtigii Doorashada ee waxaan leeyahay Axsaabta digtoonada, oo wixii lagaga gar helayo iska ilaaliyaan, oo dadkii la shaqeeynayey si aanay maalinta labaad uga tagin, waana talo la gudboon Axsaabta oo intaas wey garanayaan, waxaana loo baahan yahay in dhinaca walba laga taxadiro, oo aan aad  shaaha loogu cabin ama marfishka aan lala tagin oo aan  loo odhan Xisbi hebel baa liqniqnaya oo cimrigiisi in yar baa ka hadhay in aan la odhan ayaan ku talinayaa,  Xisbiyada joogta imika inay dhisnaadan oo ay jiraan diyaarna ahaadan ayaa loo baahan yahay, taas ayeyna dantu ku jirtaa”.

Dhinaca kale wuxuu Wasiirku ka hadlay abaaraha ka jira Gobolada Barri, waxaanu sheegay in Xukuumaddu wado dadaal ay dadkaas gurmada kula gaadhayso, waxaanu ku baaqay in laga wada qayb qaato.

Comments are closed