|

Murashax Jamaal Cali Xuseen oo Ka Hadlay In Xisbiga Kulmiye Mag-dhow Lacageed Ka Siinayo Hankiisa Murashaxnimo

Hargaysa 02.Novembar 2016 (SDN/QJ):- Jamaal Cali Xuseen ayaa si adag u beeniyay warar la baahiyay oo sheegaya inuu ka tanaasulayo murashaxnimada xisbiga UCID islamarkaana u tanaasulayo guddoomiye Faysal Cali Waraabe, ka dib wada hadalo u bilaabmay xisbiga KULMIYE.

Jamaal-Cali-XuseenWararkan ayaa sheegay in xisbiga KULMIYE oo uu weheliyo nin ganacsade ahi ay Jamaal Cali Xuseen ku qanciyeen inuu tanaasulo islamarkaana loo celiyo hantidii kaga baxday xisbiga UCID. Hase yeeshee Jamaal oo uu wargeyska Geeska Afrika xalay arrintan wax ka weydiiyay ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin wararkaas, “Waxba kama jiraan wararkaas. Lacagna la ima siinin, heshiis aan cid la galayn ma jirto, xukun qar-qooshkii maxkamadda sare soo mal-maluuqday ayaa dhexda taagan oo ninkii xukunka jebiyay ayaa weli talaabo laga qaadi la’yahay.” ayuu yidhi Jamaal.
Wuxuu intaas raaciyay, “Way jiri karaan dad mustaqbalkeenu muxu noqonayaa isweydiin kara, laakiin cid aanu heshiis iyo waxaas la sheegayo la galnay ma jiro, waxaana dacaayadaas wada qolada KULMIYE.”
Wuxuu ugu dambayn Jamaal Cali Xuseen yidhi “Markaas, wararkaas waxba kama jiraan waxaanad ogaataan in xisbiga Kulmiye yahay kii aanu is haynay laakiin anagu waxaanu eegaynaa mustaqbalka xisbigii aanu rabnay dagaalkana nalooma yaraysan oo aad ayaa naloola dagaalamay, wax lacag ah oo lay siiyeyna ma jirto go,aan aan ku qaatay inaan Kulmiye ku biiraana ma jiro aniga iyo garabkayguna waxaanu ka tashanaynaa mustaqbalka xisbigii aanu ku jirnay.”

Comments are closed