|

Ma Rabtaa Inaad ka Mid Noqoto Boqolka Halyey ee Diiwaanka Baal-ka dahabka ah ee Baro oo Ku Dayo Muwaadinkaaga?

BARNAAMIJKA BARO OO KU DAYO MUWAADINIINTA DANTA GUUD WAX WEYN KA SOO QABTAY EE KU DAYASHADA MUDAN.

Tel: 0634428572 / 0659700840 Email:kudayo2016@gmail.com

  • MA RABTAA IN AAD KA MID NOQOTO 100-KA MUWAADIN EE HALYEEYAD AH EE DANTA GUUD WAX WEYN KA QABTAY, EE NASIIBKA U HELAY IN LAGU QORO “DIWAANKA BAALKA DAHABKA AH EE HALYEEYADA REER SOMALILAND EE KU DAYASHAD MUDAN” 20016KA
  • Ujeedada barnaamijkani waxa weeyi, in bulshada la baro danta guud ee laga haajiray ku dhaqankeeda iyo ka midho-dhalinteeda iyo wax wada-qabsiga bulshada. Sidoo kale, in bulshada caalamka lala talaabsado oo laga hadho danaysiga gaarka ah loona guntado danta guud.

 

Geesiyaal

Guddida iyo hawl-wadeenada maamulaya barnaamijka “Baro Oo Ku Dayo Halyeeyadda Ku Dayashada Mudan Ee Wax Muuqda Ka Qabtay Danta Guud Rubuc-qarnigii tegay“, waxay ogaysiinayaan cid kasta oo daneynaysa ka mid noqoshada 100 qof ee la maamuusey ee wax muuqda oo dadweynuhu manaafacaadseen ka qabatay danta guud rubuc-qarnigii tegay waddanka Somaliland. Haddii aad sidaasi isku garawsantahay waa in aad macluumaadkaaga iyo taariik nololeydkaga oo gaaban noo soo gudbisid, si haddii aad ku soo baxdo barnaamijkan baadhis dheer ka bacdi aad uga mid noqoto 100-ka qof ee laga qori doono ‘buugga halyeeyadda Somaliland ee ku dayashada mudan’.

Barnaamijkan qeybtiisii hore oo dadweynuhu u soo codeeyeen soona doorteen gude iyo debadba shaqsiyaadkii ay door bidayeen inay mudan yihiin ku dayasho xagga danta guud ah. Codayntaasi bulshada oo soo socotay muddo 3 bilood ah (1- January ilaa 30 – March 2016), oo ay soo codeeyeen 10,000 qof, ayaa waxa ka soo baxay 50 qof oo kaliya, oo ka mid noqon doona 100-ka qof ee buugga taariikheed laga qori doono ee buuxiyay nidaamkii aanu u dhignay. Halka 50-ka qof ee kalena ay duruufhu nagu kalifayaan in aan fursad siino dadka is og ee isku kalsoon ee aan ku soo bixin codeynta dadweynaha inay soo dalbadaan amma soo gudbiyaan macluumaadkooda amma wixii ay ka qabteen danta guud si aan looga tegin. Maadaama ay jiraan dad badan oo danta guud wax ka qabtay oo ku dayasho mudan, isla markaana meesha laga saaro in la iska magacaabo shaqsiyaad sida ka dhacda barnaamijyo badan oo noocan oo kaleah. Maadaama oo aanay bulshadu badankeedu iska warqabin, garaneyna ciddii wax ka qabatay danta guud, oo aanay dadka wax qabtay u soo wada codayn karin.

Dhinacyada waxqabadka danta guud lagu xulanayo waxa ka mid ah: Nabadgalyada, diinta, caafimaadka, tacliinta, maamul-wanaagga, shaqo abuurka, suugaanta, deegaanka, dibu-dhiska, caddaaladda, samafalka, ciyaaraha,waxkaqabadka aafooyinka,wax u qabadka beelaha la hayb-sooco iyo hawl kasta oo taabanaysa danaha guud ee bulshada.

Haddaba, haddii aad tahay shaqsi amma koox lagaga  dayan karo wax ka qabadka danta guud rubuc-qarnigii tegay, isla markaana doonaya inuu diiwaanka buugga baalka dahabka ah ka galo taariikhda waddanka, waxaad warbixintaada u soo gudbin doontaa guddida hawshan fulineysa macluumaadka iyo tafaasha laga doonayo oo ah:- Magacaaga oo saddexan, halka aad ku dhalatay, waqtiga aad dhalatay, hawsha aad ummadda u qabatay, goobtii iyo sidii aad u qabatay, waxa kugu kalifay,baahida bulsho ee jirtay markaasi maxay aheyd, wax daraasad ah ma sameysay inta aadan hawsha galin, maxuu ahaa mabda’aagii kugu riixay inaad samayso waxqabadkan, qorshihii aad ku fulisay warbixin naga sii, maxay waxtara u leedahay mustaqbalka dhow iyo ka fogba bulshaweynta, mudada ay kugu qaadatay, ciddii kaa caawisay, wixii kaaga baxay xoog, talo iyo maalba, carqaladihii kaa hor yimid, sida aad uga gudubtay carqaladahaas, waxqabadyadaada midhaha imika laga hayo ee la taaban karo, ma jirta hawl kale oo aad qorshaysey inaad danta guud ka qabato oo kuu fuli wayday, haddii ay jirto,wax dhib ah naf iyo maalba oo ku soo gaadhay ma jiran intii aad fulineysay, wixii ay da’ yartu kaaga dayan karaan ee xusuus iyo wax ku qaadasho u noqon karta ee diinteena iyo dhaqankeena waafaqsan, maxaad kula dardaarmaysaa guud ahaan reer Somaliland iyo inta wanaagga u saaxiibka ah iyo kuwa qardo jeexsanba, markii horeba rayigu sidee buu kuugu soo dhacay, cid kugu dhiirigalisay ama aad ku dayatay ma jirtaa. Hawshan bilowgeedii miyay kaaga baahneyd sharciyeyn ma se sameysatay wixii sharci ahaa lagaaga baahnaa. Haddii aad dib u jaleecdo waxii aad qabatay maxaa ku farxad galiya amma ku murugo galiya. maxaad kula talin laheyd qof waxan oo kale u faytay in uu qabto. sidee bay kuu cawiyeen dowladda iyo hay’aduhu wixiii kaaga xidhmey. Maxaa maskaxdaada ma hadho ku reebay samo iyo xumaanba hawlihii aad fulisay. Maxaad is leedahay karti, aqoon, waayo’aragnimo iyo dedaal ayaad ku mutaysatay maamuuskan muwaadiniinta danta guud wax ka qabtay?

Fiiro gaar ah: Fadlan soo dir sawirkaaga oo kur ah amma mid dhamaystiran oo aanay ciddi kugula jirin amma haddii aad hayso sawirro muujinaya waxqabadkaagii danta guud.

Waxaad ku soo diri kartaa Emailkan: kudayo2016@gmail.com

Shuruudaha iyo macluumaad dheeri ah oo lagaaga baahan yahay:-

  1. Tartankani waxa uu ku eegyahay waxqadadkaagii intii wadanka laga soo noqdey oo kaliya.
  2. Qurbojooga reer somaliland waa u furan yahay.
  3. Tartamahu waa in inaanu danbi xun ka galin dalka iyo dadkaba.
  4. Tartamuhu waxa uu mudo haystaa 25 April ilaa 25 May 2016 in uu ku dhamaystiro kasoo qaybgalkiisa iyo soo dirida xogtiisa.
  5. Tartamaha waxa u furan in uu soo bandhigo waxii cawinaaya hawlgalkiisii sida sawiro, Documentry film I.W.M. Haddii aanu ka maarmayn originaalka xogtiisa waxa uu soo diri karaa iyagoo koobi ah.
  6. Qofkii dhintay intii wadanka la soo galay ee wax qabtay waxa uu yeelanaya qof wakiil u noqda oo wakaalad rasmi ah haysta ama dadkiisii uu ka tagay.
  7. Tartamuhu haddii uu war ka waayo cida hawshan fulineysa mudo 45 cisho ah waxay u dhigan tahay in aanu soo bixin laga bilaabo 25 April.
  8. Tartamaha waxqabadkiisa iyo macluumadkaba waxa uu ku soo dari karaa @mailkan: kudayo2016@outlook.com, hadiise laga fursanwaayo la soo xidhiidh wixii cabasho ah amma tafaasiil ah waqtiyada shaqada lagu jiro 0634426781.
  9. Da’da barnaamijkan ka qeybgali kartaa waxay u dhaxaysaa 18-jir iyo qofkii ka weyn rag iyo dumarba.
  10. Waxa ka reeban Barnaamijkan dhaqanka xun ee ah dadka lagu soo doorto reer-reer, nin jeclaysi, kooxaysi iyo u olaleyn soo bixid qof. Laakiin muhiimadu waxay tahay maxad dalka u qabatay ee adigu aad isku xilqaantay.
  11. Tartamuhu haddii shaqo iyo mansab loo magacaabay oo uu gudanayo wixii waajibkiisa shaqo ahaa, oo aanu samayn wax fooqal-caqli ah iskuma soo sharixi karo barnaamijkan.
  12. Koox, shakhasi iyo shirkadba waa la ogolyahay.
  13. Wixii qas iyo qalaanqal dhalinaaya ka qaybgalka Barnaamijkan waa in aan la soo bandhigan. Sidoo kale, waxa fiican wax aan xaqiiq  in aan la isku daalin, waayo guddida u xil saaran kala hufidda hawshani way soo taabanayaan xaqiiqada jirta.
  14. Abaal marintu waxa ay tahay oo kaliya ka mid noqoshada 100 qof ee dhaxal reebay ee mudan in lagu qoro diiwaangalin baalka dahabka oo insha alla sii jiri doona boqolal sano iyo shahaado sharaf la gudoonsiiyo iyo wixii kale ee barnaamijku yeesho.
  15. Qorshaha u mudeysan haddii ALLeh yidhaado ee lagu soo gabogabeynayo barnaamijkan waa 6 billood ugu yaraan laga bilaabo 25 April 2016 marka laga reebo wixii duruufo ah ee awoodda bini aadamka ka baxsan.
  16. Tartamayaasha soo baxaya waxay tahay, inay iyagu wadaagaan kharashka qoridda buugga, tifaftirkiisa, daabacaadda iyo xafladda barnaamijka. Maadaama aan ka dul qaaday 6-dii bilood ee barnaamijkani socday kharashkii uu ku kacay.
  17. Waxa iska dhici karta cid wax qabatay in ay is dareensiiyaan in ay magacooda qariyaan sababo iska jira awgood, kooxdaasi uma furna barnaamijkan oo ku dhisan barxad cad, maadaama, la doonayo inay dadku ku daydaan wanaagyada aad samaysay.
  18. Waxqabadyadaadu waa inay noqdaan sannado badan wax la xusuusnaan karo amma manfac bulsho leh nooca ay doonto ha ahaatee.
  19. Waxa qiimayn gaara la siinayaa waxqabadyada muddo dheer bulshada anfacaya amma mashaariicdaa iskaa wax u qabsada ee bulshadu ka qeyb-qaadato. Dan guudna waxa loola jeedaa wax ummaddu wada leedahay oo si xor ahna ay u wada manaafacaadsadaan.

Shaqsiyaadka halyeeyada ah, ee ku soo baxa barnaamijkan waxa lagu abaalmarin doonaa in lagu qoro diiwaanka buugga baalka dahabka ee muwaadiniinta reer somaliland ee danta guud wax ka qabtay iyo wixii maamuus sharafeed ah ee la heli karo. Sidoo kale, aaminaadda iyo isku dayashada qumani waxay keentaa horumar baaxad leh, oo aynu kaga bixi karno waxyaalo badan sidii Nabiga CSW ay asxaabtii ugu daydeen oo ay sidaasi ku adkaadeen. waxay noqon doontaa wax kuu socda ilaa inta qof kugu dayanayo taasna aad ajar weyn ka helayso.

Ugu dambayn, waxaan is leeyahay barnaamijkani waa mid bulshada mudh ka soo dhex yidhi waqtigii loo baahnaa. Waxa aan markaa laga fursanayn taageerada bulshada talo iyo gacanba. Waxaanad kala soo xidhiidhaa Tel:0634426781 / 0659700840 Email:kudayo2016@gmail.com


Rashiid Sulub Caalin

Gudoomiyaha Barnaamijka: Rashiid Sulub Caalin

Comments are closed