|

Maamulka Dugsiga M.A.Cali Oo 19-Nuqul Oo Kamid Ah Buugga GURRAC Dab Qabadsiiyey ,Wasaaradda Waxbarashada iyo Qoraaga Buuga oo ka Hadlay Dhacdadan DAAWO

Hargaysa 30.Sep 2016 (SDN/QJ):- Maamulka dugsiga Sare ee Maxamuud Axmed Cali, ayaa gebi ahaanba gubay oo dab qabadsiiyey tiro nuqullo kamid ah buugga GURRAC oo dhawaan dugsigaas loogu baaqay, kadib markii la ogaaday inuu xambaarsan yahay waxyaabo akhlaaqda suuban iyo dhaqanka islaamka ka dhan ah.
Sida uu xaqiijiyey maamulaha dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali Md. Cali Axmed Balayax Xirsi, waxa la gubay 19-nuqul oo kamid ah buugga GURRAC oo dhawaan la daabacay, kaas oo muddo toddobaadyo ah yaallay xarunta buugaagta lagu keydiyo(library) ee dugsiga, ayaa loo diray macallimiin dugsiga katirsan, kuwaas oo akhris dheer kadib badka soo dhigay waxyaabo badan oo waxyeello ku ah akhlaaqda iyo qiyamka islaamka, isla-markaana waxyeello ku ah maskaxda iyo maanka da’yarta dugsigaas wax ka barata.

Comments are closed