|

Maamulka Puntland Oo Mamnuucay Gaadiidka uga Imanaya Koonfurta Iyo Badhtamaha Somalia Waa Maxay Sababtu?

Garowe 26.August 2016 (SDN/QJ):- Maamulka Puntland ayaa mamnuucay Gawaarida maamulka Puntland kasoo galaysa Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

 

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in maamulka Puntland ay joojiyeen Gawaarida ka imaanaysa Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

 

Puntland waxa ay sheegtay in ay muhiim tahay in la adkeeyo amniga deegaanada maamulka Puntland.

 

Gaadiidka Qaadka ka keena Gobolada dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa laga mamnuucay deegaanada Puntland, waxaana la sheegay in lala wareegi doono Gaarigii gacanta lagu dhigo.

Puntland-1

Comments are closed