|

Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye Oo Dhalinyarta Ugu Baaqay Inay Muujiyaan Cududooda Rabaaniga Ah, Ayna Gaadhay Wakhtigii Ay Dalka Hogaamin Lahaayeen

Hargaysa 26.August 2016 (SDN/QJ):- Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye(Madaxweynaha Mustaqbalka) Oo ka mid ah Siyaasiyiinta da’da Yar ee reer Somaliland ayaa dhalinyarada ugu baaqay inay muujiyaan Cududa rabaaniga ah ee Alle kuu manaystay,una xayd xaytaan sidii ay doorkan uga qayb qaadan lahaayeen Hogaaminta Dalka,waxa uu qaylo dhaan ka soo saaray Marxalada ay dhalinyarada reer Somaliland hadda ku sugan yihiin ee aanay ugu baraarugsanayn siyaasada dalka,waxaa uu sheegay in dalka illaa Wakhtigii lixdankii ay soo hogaaminayeen Duqaynti balse hadda la gaadhay wakhtigii Dhalinyarta Kuraasta loo banayn lahaa,hadday tahay Axsaabta siyaasada iyo Xukuumaddaba.

maxresdefault1Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye (Madaxweynaha Mustaqbalka) oo shalay Waraysi khaas ah siiyay Wargeyska Foore ayaa ugu horayn waxa uu dhalinyarada kala dardaarmay Tahriibka,waxaanu u soo jeediyay inay hoos u eegaan Quwada Alle siiyay,waxa uu walaac ka muujiyay sida aanay hogaaminta dalku isku badelin illaa lixdankii ee inay hogaanka qabtaan looga illaalinayo Dhalinyarada,waxaana uu yidhi“Dhalinyaradu haku baraarugto oo ha eegto Quwada ay leeyihiin,Hana joojiyaan Tahriibka,Hana ogaadaan in la gaadhay wakhtigii ay hogaamin lahaayeen Waddanka,waayo illaa lixdankii waxa Xukunka ukala dambeeyay oo isku bad badelayay dad waa weyn oo ah runtii odayaal,illaa maantana iyaga ayaa ina hortaagan,hadday tahay Saddexda Xisbi Qaran iyo haday tahay Xukuumadda maanta jirta iyo haddii ay tahay Goleyaasha Baarlamaanka ee Guurtida iyo Wakiiladda”.

Waxa kale oo uu yidhi“Waxaan ku talinayaa oo aan leeyahay waa inay dhalinyaradu xaqooda ay dhacsadaan,Culays badan ay ku saaraan Madaxweynaha iyo Baarlamaanka in la furo Dastuurka,Si loo helo musharax Madax bannaan,Waayo Soomaalidu waxay tidhaa “Nimaan Hadlin,Habartiina qadisay,Waxaan leeyahay Dhalinyaradu waxay ka dhigan tahay Maanta,sida aanay u arkaynin Awooda ay leeyihiin,Sida AWR-ka Weyn ee inta uu quwada leeg yahay aad aragtaan ee inta ilmaha yar loo dhiibo,ee uu hogaaminayo,Marna uu kicinayo,marna uu fadhiisinayo,Awrku markaa ma arko Quwada uu leeyahay Ilmahan yar ee hogaaminayaa,Waxaa kale oo aan tusaale uga soo qaadanayaa Maroodiga Quwadiisu weyn tahay ee aad aragteen in Ilmo yari marna fadhiisiyo,marna koro,Waxaan leeyahay Dhalinyaradu maanta waxay ka dhigan tahay Maroodigaasi iyo Awrkaasi ilmaha yari marna fadhiisinayo marna Kicinayo”.

Waxa uu hadalkiisa ku soo koobay“Waxaan ku soo koobayaa,Dhalinyaraw Waxay gaadhay wakhtigii aynu wadanka hogaamin lahayn,Cidna uma maqna Ceelna uma qodna,Wadankii wali halkii Lixdankii ayuu taagan yahay,Miyay ku haboon tahay inaynu halkaasi sii taagnaano,oo aanay halkaasi sii fadhino oo shan iyo Konton sanadood oo Dambe halkaasi inagu dhaafaan,mise waxay ku haboon tahay inay dalkan itijaah cusub iyo Waa Cusub u furno?,Anigu Waxaan leeyahay Cid inoo dhaantaa majirto wadankan,Inaga ayaana Mustaqbalkii Umaddan u ah,Waxaan leeyahay Hala baraarugo,oo Culays badan aynu ku saarno sidii doorkan aynu uga qayb qaadan lahayn iyo mar wal oo dambeba siyaasada wadanka,Una hogaamin lahayn,Wadankan Insha Allahu tacaalaa” ayuu yidhi siyaasi Obsiiye oo warbaahinta la hadlayay.

Comments are closed