|

“Maanta Gobolka Sool Dhammaantii Waa Guri Nabadeed Oo Kala Dambayn Iyo Nidaam Leh, Taleex, Xudun Ilaa Xuduudkaa Aynnu Maanta Joogno Ee Dharkayn-geenyo, Saax-dheer Ilaa Boocame.” Wasiirka Madaxtooyada JSL SAWIRO

Dharkayn Geeyo 12. August 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ahaa wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Murrashaxa xisbiga KULMIYE Muuuse Biixi Cabdi oo ku sugan gobolka Sool ayaa maanta si ballaadhan loogu qaabinay deegaamada Kalabaydh iyo Dharkayn-geenyo oo ku yaala koonfurka gobolkaasi.

 

Wasiirka Madaxtooyadda Mudane Maxamuud Xaashi oo ka mid ahaa madaxdii la hadlay odayaasha iyo waxgaradka dadweynaha deegaanka Dharkayn-geenyo, ayaa ka waramay ujeedada socdaalkooda waxaanu yidhi  “ Dadweynaha degmada Dharkayn-geenyo, cuqaal, odayaal, waxgarad iyo intayada martida ah dhamaantiinba Aslaamu calaykum. Ujeedada socdaalkayagu saaka waxay dabada ku haysaa wacyigalinta qaadashada kaadhka cod-bixinta, waxaannu maanta idiinku nimid in aannu idinku wacyigalino in kaadhka la qaaato, do’raatana waxaannu idiinku nimid inaaad walaalowdaan, colaada iyo dhibaatada dhexdiina taala iyo is dhiig-talaalkana aad joojisaan.”

 

“Kaadhka codbixintu muhiim ayuu yahay inaad qaadataan, wuxuu saameyn ku leeyahay noloshiina, wuxuu saameyn ku leeyahay siyaasada iyo saami-qaybsiga, wuxuu saameyn ku leeyahay horumarka aad ka hadlaysaan, qarankani waa qaran dhismaya, waxa aynnu noqon doonaa ILAAHAY idamkii qaran weyn oo horumar ku talaabsada.”

 

Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sidoo kalena ka hadlay dadaalka ay XUkuumadda KULMIEY galisay nabadaynta Koonfurta Soolw axaanu yidhi “ Mar labaad waxaan ku bogaadinayaa waayeelka sidii ay nabaddaynta colaadii mudada dheer jirtay ee dhibaatada keentay ee khasaaraha badan keentay noogala shaqeeyeen, Xukuumadda xisbiga KULMIYE ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo gadhwadeenka ka yahay waxba kalamaanu hadhin, naf iyo maalba waanu idin dul-dhignay, waanu ka damqanay, waanu idiin sii gurmanay, waanu idin kala celinay, waanu isugukiin faalinaynaa idiin kala faalin mayno, idin kala qaybin mayno, qoys walaalo ah ayaad tihiin, maanta isbedelka nabaddii ay keentay waataa, waydinkaa is dhex-fadhiya, shalayna ismaydaan arki karayn, waydinkii ku kala qaxay halkan, colaada iyo nabadduna intaas ayey isu jiraan, abaar ayaa inoo raacday, maanta abaartiina inkasta oo  aanay dhulka xoolo nooga muuqan hadana sidii dhulka iyo dadkuba waa dhaamaa waana sad ILAAHAY, wixii taakulo abaaraha waxba lamaanu hadhayn wixii aanu idinku biirin karaynay.”

 

Mudane Xaashi ayaa waxa uu sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay xaqiijaisay guud ahaa nabadda iyo horumarka gobolkaasi waxaannu yidhi “ Maanta gobolka Sool dhammaantii waa guri  nabadeed, waa guri maamul ka jiro oo kala dambayn iyo nidaam leh, min Taleex ilaa xudun ilaa xuduudkaa aynnu maanta joogno Saax-dheer iyo Boocame, maamul iyo dawladnimo ayaa ka jirta, waxa ay naga ahayd siyaasad, aragti iyo hiigsi, waanu ku bogaadinaynaa bulshadii nagu soo dhawaysay, nagu taageertay ee nagu garab-gashay, annaguna waxaannu u jeednay in aannu gobolkan soo gaadhsiino gobollada kale ee dalka, horumar weyn oo ballaadhan ayaannu ka qabanay, wuxuu yidhi Caaqilku buugaagta ayaa laydin baadhayaa, waxaan leeyahay waannu ogolnahee ha naloo baadho, laakiin hadii hada naloo baadhayo waxaan leeyahay oo aan hore nagloogu baadhin waxaan is leeyahay malaa halkaas cadaallad darro ayaa ku jirta, gobonimada iyo garashada waannu idinku naqiinay, saakana rag wax kala qoraynaya ma nihin, gobolka Sool KULMIYE horumar ayuu ka hirgaliyey.”

 

Wasiirka Madaxtooyada ayaa geesta kalena ka hadlay mashaariic ay maanta ka dhagax dhigeen degmadaasi waxaannu yidhi “ Waxaannu saaka dhagax-dhigaynaa saldhigii booliska, iyo xaruntii dawladda hoose, dhakhsano waa loo bilaabi doonaa, Ceelkii riiga ahaa ee aanu hore waayeelka ugu balan qaadnay, wasaarada biyaha ayaa wada oo qorshaysay, ceelasha ugu horeeya ee Somaliland laga hirgaliyo ayuu ku jiraa, waa ceel dheer afar boqol oo mitir ayaa la qordi doonaa, biyana waynu ku heli doonaa INSHA ALLAH.”

Comments are closed