|

“Macnuhu Maaha In Cirro Iyo Muuse Biixi Ii Kala Dhaw Yihiin Ee Waxaanu U Aragnay In Maslaxadu Ku Jirto Waddani” Xildhibaan C.qaadir Jirde DAAWO

Hargeysa, 27 December, 2015-(SDN/QJ):- Siyaasiyiinta kala ah Cabdiqaadir Jirde, Cabdi Haybe, Aadan Dheere iyo qaar kale oo ku biiray xisbiga Waddani ayaa sheegay in beel ahaan ay siyaasiyan talo ugu guureen xisbiga Waddani, isla markaana ay u arkaan inuu yahay maanta ka ay badbaaddada iyo maslaxadda Somaliland ku jirto.

Cabdiqaadir Jirde hadal uu ka jeediyay fagaarahaa wuxuu ku sheegay in Somaliland marayso marxalad kala guur ah oo loo baahan yahay in lagu kala doorto xisbiyadda tallo iyo barnaamijyaddadooda. “Dadku iyagaa na keenay halkan, abaabulku iyaguu ka socday, ul iyo canaan baa halkan nalagu keenay oo nalagu yidhi, waar ka kaca meesha waqti la gabado lama jooggee. Waxaan u mahadnaqayaa dadkii xisbiga nooga soo horeeyay ee hawlwadeenadda ahaa, ee dadaalka ka galay in aanu xisbiga hawshiisa si toos ah u galo, waxaan u mahadnaqayaa guddigii 15 ahayd ee shanta maalmood ka shaqaynaysay abaabulka ee hablo iyo wiilalba lahayd ee xaafadda. Kamaanaan maqnayn xisbiga oo horeba waa loogu jiray,laakiin waxaanu maanta isku raacnay oo isla garanay, cudud, caqli, talo iyo tamarba waxaanu hayno in aanu halkan keeno, sidaasaanu ku nimi”ayuu yidhi.

Cabdiqaadir Jirde wuxuu intaa ku sii daray oo uu yidhi;“Maanta wadanku wuxuu marayaa meel kala guur ah, kursiga ilaahay baa haya, ninkuu ilaahay u qoray uun baa fuulayaa, laakiin talo ayaa laysku kala doortaa, xisbi waliba taladduu hayo iyo barnaamijkiisa lagu doortaa. Maan jeclayn in halkan laga magac dhebo Mujaahid Muuse Biixi, waa nin dalka abaal ku leh, xisbina madax buu ka yahay, cod buu doonayaa, codkaa siduu u shaqaystana isagay u taalaa, laakiin anaga maanta waxa noo muuqatay, wanaagga dalka iyo horumarkiisa iyo wada lahaanshihiisa iyo badbaadadiisu inay Waddani taalo.” Jirde wuxuu intaa sii raaciyay oo uu yidhi; “Anagoo ixtiraam u hayna axsaabta kale caad nagama saarra, maanta baahida taala ee maslaxadda dalku ku jirtaa ee maslaxadda umaddu ku jirtaa inay tahay maanta in Waddani la doorto ayay badbaadadeenu ku jirtaa. Maaha in Cabdiraxmaan iyo Muuse ii kala dhaw yihiin, in aan kala jecelahayna maaha, ee waxa weeye dan baa na keentay, dalkan dantiisu halkay ku jirtaa ayaa na keentay, waxaanaanu aragnay inay maslaxadu ku jirto in Waddani la doorto oo barnaamijkiisa lagu doorto. Taageerayaashayda waxaan leeyahay maanta waa ismuujiseen, ismuujinta labaadna waa idinkoo kaadhka xisbiga qaata.”

Wasiirkii hore ee Caafimaadka dawladdii Rayaale Cabdi Haybe oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay tallo ku yimaadeen xisbiga Waddani, hadalkii uu halkaa ka jeediyayna weedhihiisii wax aka mid ahaa oo uu yidhi;“Reerku ma degana Axmed Dhagax iyo gobolka Hawd oo keliya, ee wuxuu degan yahay Saaxil, Togdheer, Daadmadheedh, intaasoo dhan bay degan yihiin. Waxaan beelaha Arab ee goboladdaa aan sheegay kala degan ugu baaqayaa, inay xisbiga Waddani ku soo biiraan oo ay danta umaddu ku jirto maanta. Ceel laga cabbaa ugu yarroo, maamulkan imika jooggaa meelahaa aan sheegay, wixii ay qabanayeen wax laga siiyay ma jiro.”

Eng Aadan Dheere oo isna ka mid ahaa siyaasiyiinta ku biirtay Xisbiga Waddani ayaa hadal uu halkaa ka jeediyay ku yidhi; “Beeshu markay doonayso inay guurto sahan bay dirataa. Rag baa sahan tegay waa Cabdi Haybe, waa Cabdiqaadir Jirde, waa Cali Cabdillaahi Dagaal, waa dhamaan hawl wadeenkii beesha Axmed Dhagax, ruug caddaa baanu diray, raggii sahanka yaqaanay baanu soo diray, iyana sahankii way soo celiyeen, waxa gudoonkii noqday beeshu inay soo guurto, oo ay ku biirto xisbiga Waddani. Sanadku waa gabagabo, waa inoo sanadka cusub iyo hawl cusub, wada tashi cusub iyo mustaqbal wanaagsan, sidaasaan aniga laftayduna ugu soo biiray xisbiga Waddani.”

Comments are closed