|

Madax-dhaqameedk Gobolka Sanaag oo Xukuumadda Siilaanyo Ku Eedeeyey Colaadda Ceel-afweyn DAAWO

Ceerigaabo 03.Sep 2016 (SDN/QJ):- Inta badan Madaxda Dhaqanka ee gobolka Sanaag, ayaa Shir Jaraa’id oo ay Sabtidii Maanta si wada-jir ah ugu qabteen magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolkaas, ka soo saaray Baaq nabadeed, isla markaana Xukuumadda Somaliland ku dhalliilay inay faro-gelin ku hayso Colaadda deegaannada Ceel-afweyn ka tirsan ku dhex-martay laba Beelood oo deegaan-wadaag ah, kana gaabisay doorkii nabadaynta Beelahaas ee waajibku ka saarnaa.

MADAXDA-DHAQANKA-GOBOLKA-SANAAG-OO-EEDEEYEY-XUKUUMADDA-SIILAANYOWaxay Madax-dhaqameedkan oo isugu jiray Salaaddiin, Boqorro, Isimmo, Cuqaal, Odayaal iyo Wax-garad kale, sheegeen inay Madax-dhaqan ahaan diyaar u yihiin daminta dagaalkaas oo sababay dhimashada siddeed qof oo mid ka mid ahi ka tirsanaa Ciidanka Millateriga Somaliland iyo toddoba dhinacyada dagaallamay ah, halka dhaawacuna ka sii badan yahay, waxaanay Tacsi u direen Qoysaska dadka dhintay, halka ay kuwa dhaawacmayna uga duceeyeen.

 

Madax-dhaqameedka Shirkaas Jaraa’id ka hadlay qaarkood baa si dadban u sheegay inay Xukuumaddu gacan ku leedahay soo noqoshada Colaaddaas ama dirirtaa labada Beelood, inkastoo aanay shaqsi gaar ah si toosa farta ugu fiiqin, haddana qaarkood waxay ku doodeen inay gacan ku leedahay, halka ay qaarkood ku eedeeyeen inay ka gaabisay wax ka qabashada ay ku lahayd dirirtaas. Waxaanay aad u ammaaneen doorka Ciidammada Millateriga Somaliland ka geysteen joojinta dagaalkaas Arbacadii iyo Khamiistii inna dhaafay ka dhacay Dogoble iyo Dararweyne oo Ceel-afweyn ka wada tirsan.

 

Haddaba, Hadallada kala duwan ee Baaqa, Ducada, Eedaynta iyo Ducada isugu jira ee ay Madax-dhaqameedka Sanaag ka jeediyeen Shirka Jaraa’id ee ay Sabtidii Maanta sida wada-jirka ah ugu qabteen magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, aannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed