Boorama 01. May 2017 (SDN/QJ):- Wasiiro Ka Tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo Ka Soo Jeeda Gobolka Awdal,Xildhibaanada Gobolkaas ee Baarlamanka,Maamulka Gobolka Awdal iyo Ka Degmadda Boorama ayaa Cod dheer kaga digay Nidaam Cusub oo Komiishanku u Dejiyeen Qaybinta Kaadhadhka Codbixiyeyaasha oo ay Sheegeen inuu abuurayo Xasilooni daro deegaan iyo Mid Siyaasadeed Waxaanay ka dalbadeen Komiishanka Doorashooyinka in Maalmo dheeraad ah loogu daro gobolkooda.
Madaxda Dawlada ee Gobolka Awdal & Siyaasiyiinta Ka Soo Jeeda Gobolkaas oo Sida Fiinta Uga Qayliyey Hab Cusub oo Komiishanku u Dejiyey Kaadh Qaybinta oo ay Ku Sifeeyeen Mid Codkoodii Lagu Luminayo DAAWO
