Boorama 21.Dec 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami, oo ah Guddoomiyaha Weftiga Wasiirada ee uu Madaxweynaha Somaliland u xilsaaray soo xalinta xaalada ka aloosan Gobolka Awdal, iyo waxa ka qabashada Suldaanka Somaliland ka hor yimid, jiritaankeedana diiday, ayaa ka waramay halka ay arrimuhu u marayaan, sida ay wax u wadaan iyo waxa ay ku rajo weyn yihiin.
Wasiirka Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami oo khadka Telefoonka ugu waramaya Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale Bulshada reer Somaliland baaq u diray, uguna baaqay inay ilaashadaan dalkooda, “Wax dhibaato ahi ma jiraan, xaaladuna wey dhaw dhawdahay, rajooyin aad u fiicana wey jiraan, haddii ay noqoto Salaadiinta, Madax Dhaqameedka yo Odayaasha Gobolka Awadal, waanu iska aragnay arintan, kulanana waanu yeelanay, qofna kama itaal la’a arinta, waxaana aad ugu rajo weynahay in sida uu dhakhsaha badan ay wax noogu dhammaadan, midnimada, iyo jiritaanka Somaliland waa laga wada mideeysan yahay, cidna raali kama ah in qadiyada Somaliland wax la yeelo”. Wasiirka Gaashandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Bulsho weynta reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan, waxa aan ugu baaqaya una soo jeedinayaa inay ilaashadan Nabada, Madax banaanida, jiritaanka iyo gooni istaaga Dalkooda, qofku wax uu taban karaa, balse maaha in laga hor yimaado Somaliland”.
Geesta kalena Salaadiinta Iyo madax dhaqameed ka soo Jeeda Gobolka Awdal oo Shir Jaraa’id Shalay Galab ku qabtay Magaalada Boorama ayaa Cadeeyay inay Quus iyo rajo la’aan ka Taagan Yihiin soo Celinta Suldaan Abubakar Wabar oo dhawaan shaaciyay Inuu Ka Goostay Somaliland .
Madaxda dhaqanka ee Gobolka Awdal Waxa ay sheegeen inay Waayeen meel rasmi ah oo uu ku sugan yahay Suldaan Wabar.
