|

Madaxwaynaha Galmudug oo Dhaliil u jeediyey Puntland DHAGAYSO

Cadaado , 29 September, 2016-(SDN/QJ) :– Madaxwaynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Gulled oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Cadaado ayaa ka hadlay dhacadii maanta ka dhacay duleedka degmada Gaalkacyo.

C/kariin ayaa tacsi u diray qoysaskii ay ka geeriyoodeen ciidamo uu sheegay inay ahaayeen kuwa Galmudug waxyeelo kasoo gaartay dagaal saaka ka dhacay duleedka degmada Gaalkacyo.

Dhankale madaxwaynaha ayaa ka hadlay heshiisyo horay loogu gaaray magaalada Gaalkacyo wuxuuna sheegay in heshiisyadaasi ay ka socon waayeen dhanka Puntland sida uu hadalka u dhigay Madaxwayne C/kariin.

C/kariin Xuseen Gulled ayaa xusay in maamulka Galmudug uu muddo raadinayey Wadda noolaanshaha iyo daris wanaaga Shacabka Gaalkacyo wuxuuna sidoo kale hadalkiisa sii raaciyey in Galmudug iyo Puntland u socdaan wadda hadal.

Comments are closed