|

Maxbuus Kenyaan Ah Oo Ku Jira Gacanta Al-Shabaab Oo Farriin Soo Diray DAAWO

Nairobi , 29 September, 2016-(SDN/QJ) :– Mu’assasada Al-Kataaib garabka Warbaahineed Xarakada Alshabaab ayaa goor dhawayd baahisay fariin Muuqaal ah oo uu soo gudbiyey Maxbuus Kenyaan ah oo ku jira gacanta xarakada Al-Shabaab.

maxbuusMaxbuuskan ayaa sida la sheegay ka mid ah tiro Askar Kenyaan ah oo xoogagga Al-Shabaab ay ku qabteen dagaalkii lagu gumaaday Kenyaanka ee ka dhacay deggaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo.

Askarigan oo lagu magacaabo Leonard Maingi Kiiyo ayaa da’diisa waxaa lagu sheegay 40 jir, wuxuuna Ciidamada Millateriga ee Dowladda Kenya ku biiray Sannadkii 1997dii, isagoo ka tirsanaa guutada 9aad ee Ciidamada dalkaasi.

Maxbuuskan ayaa ahaa sarkaal dhanka caafimaadka u qaabilsanaa ciidanka Kenyaatiga ah waxaanu  ka hadlayaa arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin codsi uu u dirayo xukuumadiisa oo ku aadan sidii looga sii deyn lahaa gacanta Mujaahidiinta.

Leoard Maingi waxa uu qeyb ka ahaa boqollaal Ciidamo ah oo kowdii bishii January ee sanadkan 2016 la keenay Saldhig ay Ciidamada Dowladda Kenya ku lahaayeen deggaanka Ceel-Cadde, balse 15 maalmood kadib oo ku beegneyd 15-kii January oo maalin Jimco ah ayay Saldhiggasi weerar gaadmo ah ku qaadeen Ciidamada Al-Shabaab, iyagoo halkaas ku dilay in ka badan boqol Askari, isla markaana gacanta ku dhigay wax ku dhow tobon Askari oo Maxaabiis ah.

Maxbuuskan Kenyaanka ah waxa uu farriin u diray Dowladdiisa iyo Shacabka dalka Kenya, isagoo dalbaday in laga shaqeeyo sidii uu mar kale xorriyadiisa u heli lahaa, isla markaana ula midoobi lahaa qoyskiisa.

Muuqaalkan ayaa kusoo aadaya laba maalmood kadib markii ay isla ,mu’asasada Al-Kataa’ib baahisay Vedio uu kasoo muuqanayo Askari kale oo Maxbuus ah oo u dhashay dalka Uganda, kaas oo isna lagu qabtay dagaalkii xoogganaa ee ka dhacay deggaanka Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo isna farriin tan la mid ah u diraayey qoyskiisa, qarankiisa iyo weliba madaxweynaha haatan ka taliya dalkaasi Uganda.

Comments are closed