|

Madaxwayne Afrikaan ah oo Diiday Natiijada Doorashada Madaxtooyada oo uu hore u Aqbalay

Gambia 10, Diisembar, 2016-(SDN/QJ) :– Madaxweynihii Gambia ee laga guuleystay Yahye Jammeh ayaa diiday natiijadii doorashada Madaxtinimada ee todobaad ka hor ka dhacday dalkaas.

yahya-jammehIsagoo la hadlayay Tilifiishanka Qaranka ayuu ku baaqay in la qabto doorasho cusub, isagoo gebi ahaanba diiday natiijada doorashada.

“Kaddib markii aan baaritaan buuxa sameeyay, waxaa go’aansaday inaan iska diido natiijada doorashadii dhowaan dhacday”ayuu yidhi Yahye Jammeh

Yahye Jammeh ayaa todobaad ka hor aqbalay natiijada doorashada, isagoo cadeeyay in horaanta bisha January  uu xilka ku wareejinayo ninka ka guuleystay ee Adama Barrow.

Mr Jammeh ayaa afgambi ku qabsaday xukunka dalka sanadkii 1994, isagoo dalkaas hoggaaminayay muddo 22-sano.

Hase ahaatee khudbadiisa uu todobaadkii hore uu jeediyay markii laga adkaaday ayuu sheegay in aaminsan yahay qadarta Alle, isla markaana ugu tala galay in waqtigiisa intaas ku ekaado.

Mareykanka ayaa durbaba cambaareeyay tallaabada Madaxweynaha laga guuleystay ee Yahye Jammeh uu ku diiday natiijada doorashada.

Dadka reer Gambia ayaa filayay in waa cusub uu u dhasho, markii laga adkaaday Madaxweynihii mudada xukumayay, dad badan oo dibada musaafuris ugu maqnaa ayaa rajeynayay inay dalka dib ugu soo laabtaan, markii laga adkaaday Yahye Jammeh.

Comments are closed