Ujeeddo: Codsi samayn guddi qaran oo soo baadha, iskuna ururisa taariikhda sidii aynu Soomaaliya 1st July 1960kii aynu ugu biirnay iyo inqilaabkii ka dambeeyey ee saraakiishii reer woqooyigu ay sameeyeen.
Mudane, Madaxweyne, marka hore salaam. Marka xigtana, waxaan rabaa fursaddan inaan kaga faa’iidaysto codsi aan kaa codsanayo in guddi heer qaran ah aad u saarto sidii aynu koonfur ugu biirnay xorriyaddii ay Somaliland qaadatay ka dib iyo inqilaabkii ka dhashay midowgii mugdiga galay, ee saraakiishii markaa joogtay ee reer Somaliland u adkaysan kari waayeen guuldarradii lagala kulmay israaca. Guddidaas oo iskugu jira aqoonyahanno, khabiirro taariikhyahan ah iyo dadka lagu tuhmayo inay arrimahan u dhuundaloolaan ama qeyb-ba ka ahaa, si ay u sameeyaan xog ururin dhaxalgal ah.
Runtii, anigu ugalama jeedo qoraalkan inaan wax baadhbaadho ama kama soo horjeedo wadahadalada imika u socda Somaliland iyo Somaliya, waxaana laga yaabaa inay fursad danteena ahi ay ka soo baxdo arrintan, waxaanan uga dan leeyahay inaynu ka faa’iidaysanno khaladaadkii dhacay iyo siday u dheceen,
Sida aynu wada ognahay, adduunku wuxuu soo maray marxalado taariikh laga reebay, taasoo kobcisa islamarkaana duruus u noqota maskaxda kolba jiilka jooga. Sida aynu malayn karnana jiilkii wakhtigaa joogay iyo jiilkii dhaxlay labaduba way soo koobmayaan wakhtiga awgii, sidaa daraadeed waxaan laga maarmayn in looga iftiimiyo aqoon iyo waayo-aragnimo jiilka cusub, si ay wax ugu qaataan.
Marka laga hadlayo, israacii woqooyi (Somaliland) iyo koonfur (Soomaaliya) dadka reer Somaliland waxay ku soo koobaan (waxa ina qaadday jibbo Soomaaliweyn ah) , inkasta oo ay jiraan waxyaalo laga qoray iyo gabayo iyo heeso calaacal ah oo lagu cabiray oo uu ka mid yahay abwaanka Cali Sugulle, markaa waxaan ku talin lahaa in waxyaalaha laga qoray iyo wixii taariikhdaa la xidhiidha ee laga hayo in meel layskugu geeyo, si ay uga soo baxdo taariikh sugan oo laga faa’iidaysto, dhaxalgal wanaagsanna noqota, islamarkaana si fiican loo fahmi karo qaddiyadaas.
Haddii taariikhdu mugdi gashana, waxay leedahay halisteeda, iyadoo dareenka laga reebo helitaanka sidii ay wax u dheceen oo xaqiiq ah oo aan laysku dhibinba. Markaa waxaan u arkaa inay lagama maarmaan tahay in xog-gun ah la helo. Waxaanan tusaale u soo qaadanayaa waddamada ku yaalla Koonfur Eeshiya ee ay ka mid yihiin Jabbaan, Jayna, Kuuriyada Koonfureed, filibiin iyo Fiidnaam, in markii uu Jabbaanku quwadda weyn lahaa uu waddamadaas cagta mariyey, kana sameeyey gabood-fallo waa-weyn, taasi oo imika duruusta iskuulada lagu dhigto, iyadoo si faan ku jiro ay u soo bandhigaan taariikhdaas iyo waxay sameeyeen, halka ay waddamadaas kalana ay ka saluugeen kana ashkatoodaan in buugaagta iskuulada ee Jabbaan ay u dhigaan carruurtooda ay saxaan, taasi oo keentay arrin weyn oo waddamadooda ka dhex aloosan.
Ujeeddada baadhistan aan u codsanayaana waxay tahay:
- Inaynu si sax ah, oo aanu qalad ku jirin u ogaanno israacii Woqooyi iyo Koonfur.
- Inaynu ka faa’iidaysanno khaladaadkii labada dhinacba ay sameeyeen, oo aynu wax ku qaadano, iyadoo wakhtigan ay socdaan wada hadalo u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.
- In marka la helo taariikhda dhabta ah ee qaddiyadaasi leedahay lagu dhigto Jaamacadaha iyo Iskuulada.
- Inaynu xaqiiqada jirtay iyo duruufaha markaa jiray aynu soo bandhigno, si aynu u ogaanno halka ay sartu ka qudhuntay.
- Inaynu ogaano saraakiishii reer Somaliland markii ay gadoodeen, sidii ay wax u dheceen iyo wixii markii dambe fashilka ku keenay qorshahaa inqilaabka.
Talo soo jeedin: aniga Rashiid Sulub ahaan waxyaalaha guddidaasi heerka qaran ahi loo baahan yahay inay soo baadhanna waxa ka mid ah, iyadoo dareenka guddidaasi aanu dhinac u janjeedhsanayn oo cilmi iyo aqoon ku fadhiisiniya qaddiyadaas, lagana taxadirayo inaynu dhayalsano waxyaalo muhiim ah.
- Sideebay u abaabulantay fikradda ku biirista Somaliland ee Soomaaliya?
- Muxuu ahaa dareenka awoodda weyn leh, ee riixayey shacbiga reer Somaliland, laakiin fikradda Soomaaliweyn xageebay ka soo unkantay asalkeedii hore?
- Celceliska da’da ee mudanayaasha xamar tegay inteebay ahayd?
- Goboladda Somaliland ee ay ka yimaadeen, sideebay uga soo kala baxeen?
- Aqoontooda iyo waayo-aragnimadoodu inteebay gaadhsiisnayd?
- Dadkii ku doodayey in lix bilood la hakiyo israaca labada dal miyey qancin kari waayeen shacbiga?
- Dadkii fikirkaasi israaca ka soo horjeeday maxay ku doodayeen?
- Qaabkeebay u tageen 33kii nin ee baarlamaanka ahaa Xamar, ma wafti gogol-xaadh ah ayaa jiray oo ka horeeyey, mise way iska tageen?
- Mudanayaasha reer Somaliland ee xamar tageyey Isku duubnaantood sideebay ahayd?
- Sideebaa loo soo dhoweeyey, sideebaase loo qaabilay mudanayaasha xamar tegay, xageese la dajiyey?
- Wadahadaladii xaggay ka bilaabmeen? Laakiin ajandaha wadahadalku siduu ahaa?
- Ma jireen waxyaallo laysku mari waayey wadahadalada?
- Ma jireen cid dhexdhexaadinaysay oo gacan 3aad ahayd?
- Ma jireen mudanayaal diidanaa israaca?
- Heshiis qoraal ah oo laysla qaatay ma soo baxay?
- Labada baarlamaan daacadnimadoodu inteebay gaadhsiisnayn, ee israaca khusaysay?
- Doonista reer koonfureedka soomaaliya ee midowgu sideebuu ahaa?
- Dowladdaha Iingiriiska iyo Talyaaniga ma jireen wax dano ah, oo ay u taageereen israaca labada dal khalad iyo saxba?
- Israacii Somaliland iyo Soomaaliya ka bacdi inqilaabkii ka abuurmay saluugii reer Somaliland ee awood-qaybsiga, ayey ahaayeen saraakiishaasi, da’dooda iyo darajadoodu inteebay ahayd, maxaa fashiliyey markii dambe inqilaabkaasi?
- Waxa la yidhi Somaliland waxa ictiraafay dhowr maalmood gudahood 34 waddan, markaa wax talo waydiin iyo latashi ah oo lala sameeyey ma jiray waddamadaas kalgacalka inoo muujiyey ama iyaguba wax talo ah ma soo bandhigeen?
- Wax taariikha oo qoran ma laga hayaa saraakiishaa inqilaabka sameeyey xadhigoodii iyo maxkamadii la saaray siday u dhacday?
- Inqilaabkaasi fashilmay muxuu dhaxal ka tegay ee si toos ah u taabanaya inqilaabkii markii dambe ay askartu samaysay, ee Maxamed Siyaad Barre xukunka ku afduubtay?
- Labadii dowladood ee ka dambeeyey wakhtigii israaca ma dareensanaayeen saluuga reer Somaliland, laakiin wax ma ka qabteen.?
- Maxaynu ka baranaynaa qaddiyadaas inqilaabka fashilmay, haddaynu nahay reer Somaliland?
- Khaladka isku darka iyo dhibaatooyinkii markii dambe uu gaystay Siyaad Barre, ma garawsan yihiin reer koonfureedku?
Madaxweyne, waxaan ku soo koobayaa codsigan iyo talosoojeedintan inaan u arko inay taariikhdaasi aynu ka soo hadalnay muhiimad weyn ay leedahay.gaar ahaana kuu soo jiidaysa madaxweyne ahaan taageero badan, islamarkaana noqon doonta taariikh lagugu xusuusto.
Haddii laysku ururiyo taariikhdii taariikhdii xorriyadda iyo israacii ka dambeeyey iyo waliba taariikhdii SNM ee la soo noqoshada madaxbanaanida jamhuuriyadda Somaliland, taasina ay noqon doonto indho-fur-weyn iyo duruus oo wax laga barto.
Ugu dambayn Madaxweyne, Waxaan kaa rajaynayaa inay indhahaagu ku dhacaan codsigan iyo taladan, islamarkaana aad ku hogaamisid nabad iyo caano reer Somaliland.
W/Q: Rashiid Sulub Caalin Email:sulub.raabi@hotmail.com Tel:4426781
