Daacish oo askar ku leysay buuraleyda Puntland

Bosaaso (QJ) – Buuraha Calmiskad ee gobolka Bari ee Puntland waxaa ka socda dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo kooxda Daacish. Mid ka mid ah dagaaladii ugu xooganaa ayaa maanta dhacay, kaasi oo ciidamada Puntland ay kaga xoreeyeen Daacish dhul muhiim ah.

Iskahorimaadka ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Tasjiic oo ku yaalla buuraha Calmiskaad, sida uu xaqiijiyay afhayeenka Puntland ee howlgalka la dagaalanka Daacish, Maxamuud Maxamed Axmed oo wareysi siiyay BBC-da. Lix askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa ku dhintay kadib markii miino dhulka lagu aasay ay haleeshay gaarigii ay wateen Daacish.

Afhayeenka ayaa sheegay in dagaalyahano badan oo Daacish ah lagu dilay dagaalka, islamarkaana dhul muhiim ah lagala wareegay. Si kastaba ha ahaatee waxaa uu qiray in sidoo kale ay khasaare gaarsiiyeen ciidamada Puntland. Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu shaaca ka qaaday in dagaalyahano badan oo Ajaanib ah, kuwaasi oo dalalkooda uga soo cararay dambiyo ay ka galeen halkaasi, ay u dagaalamaan Daacish.

Waxa uu ku tilmaamay arrin khatar caalami ah, oo cadow caalami ah uu ku soo duulay Puntland, oo dhibaato baahsan ka geystay caalamka. Maamulka Puntland ayaa go’aan ku gaaray in gabi ahaanba laga ciribtiro khatarta ka jirta gobolka, gaar ahaan dhulka buuraleyda ah ee Bari.