Eldoret Feb 23 2013 (SDN)–Madaxweynaha dalka Kenya Mwaki Baki,oo si weyn u amaanay howlgalka ciidamadiisa ay ka wadaan dalka Soomaaliya,waxaana uu ku dhawaaqay inay sii wadi doonaan taageerada Malitari ay u fidinayaan xukuumada Soomaaliya.
Madaxweynaha oo qudbadiisa ahayd mid dhinacyo badan taabaneysay ayaa sidoo kale uu u mahad celiyay Saraakiisha hogaamineysa howlgalka ciidamadiisa qeybta ka ah AMISOM,isagoona ku tilmaamay saraakiil mudan in loo mahad celiyo.
Ugu danbeyntii Madaxweynaha dalka Kenya Mwaki Baki,ayaa hoosta ka xariiqay in ifafaalaha iminka dalka Soomaaliya laga dareemayo ay soo dhaweynayaan kuna dadaali doonaan sida uu sheegay inay sii wadaan oo aan gadaal loo noqon.
Hadalka Madaxweynaha Kenya ayaa ku soo aadaya xilli ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howgalka AMISOM,ay qeyb ka yihiin dagaalada looga soo horjeedo Al-shabaab,islamarkaana la wareegay Magaalada Kismaayo sanadkii la soo dhaafay halkaasi ay ku xooganayeen Al-shabaab.
