TEL AVIV (QJ) – Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa maanta si rasmi ah u qaabilay wakiilka Somaliland ee Israa’iil, Mohamed Xaaji, kaasoo maanta warqadihiisa aqoonsiga ku wareejiyay xaflad ka dhacday xafiiska madaxtooyada ee Tel Aviv.
Herzog, oo qoraal ku soo dhigay akoonkiisa X, ayaa sheegay inuu “ku faraxsan yahay inuu qaabilo safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiyi doona Israa’iil, Mohamed Xaaji, kaasoo maanta warqadihiisa aqoonsiga ku wareejiyay.”
“Safiirka ayaa si wanaagsan uga hadlay kooxda muusikada ee markii ugu horreysay qaaday heesta qaranka Somaliland ee Israa’iil. Iskaashigan cusub ee labada dhinac dhexmara wuxuu horseedi doonaa mustaqbal iskaashi oo dhinacyo kala duwan ah, taasoo ka faa’iideysan doonta labada shacab iyo gobolka oo dhan,” ayuu yiri.
Madaxweynaha Israa’iil ayaa sidoo kale xusay in Israa’iil ay tahay dalka kaliya ee ilaa hadda si rasmi ah u helay wakiil diblomaasiyadeed oo ka socda Somaliland, isagoo tallaabadaas ku tilmaamay mid taariikhi ah oo furaysa bog cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed.
Somaliland, munaasabaddu waxay ku soo beegantay xuska sannad-guuradii 36-aad ee ka soo wareegtay markii ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale sanadkii 1991, markii dalku uu galay burbur dowladeed.
In kasta oo Somaliland ay leedahay maamul deggan, doorashooyin, iyo dowlad shaqaynaysa, haddana inta badan bulshada caalamku weli waxay u aqoonsan tahay gobol ka mid ah Soomaaliya.
