|

Madaxweynaha Jabuuti oo La Rajaynaayo in Looga Yeedho Maxkamada Dambiyada Caalamiga ah ee ICC

geelle

Jabuuti — Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa la rajaynaya in looga yeedho Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada Caalamiga ah lagaga garnaqo sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Gaana ee GNA (Ghana News Agency).

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Dambiiyada Caalamiga ah ee Maxkamada ICC, ayaa kormeer ku sameeyey dhacdooyinkii dhawaan ka dhashay rabshado ka qarxay dalka Jabuuti, gaar ahaan bishii May ka hor intii aan doorashadii Madaxweynenimada loogu tartamaayey dhicin.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo markii afraad xilka Jabuuti ku guulaystay, inkastoo lagu dhaliilo inuu xoog ku haysto dalka, ayaa xubnaha mucaaridka ah ku eedeeyaan in la bartilmaameedsaday intii doorashadaas ololaheeda lagu jiray xubno mucaarid ah, halka 19 qof la dilay December 21, 2015-kii.

Wakaaladda Wararka Gaana ee GNA,  gaar ahaan xafiis ay ku leedahay magaalada Lodon ee dalka Ingiriiska, ayaa la xidhiidhay maxkamadda ICC si wax ay uga waydiiyaan kiiska ka dhanka ah madaxweynaha Jabuuti ee ku saabsan rabshadihii ka dhashay doorashada dalkaas.

“Dalka Jabuuti waa dal ku jira Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC). Xafiiska Xeer-ilaalinta Maxkamaddu waxa uu la socday dhacdooyinkii ka socday dhawaanahan Jabuuti,” ayey lagu yidhi farriin Emayl ah oo xafiiska Xeer-ilaalintu wakaalada GNA u soo direen.

Porf. Gragory Stanton oo ah aasaasaha Hay’ad  Dambiyada Xasuuqa wax ka baadha oo la yidhaa Genocide watch, isla markaana ka mid ah khubarada wax ka qortay Qaraarka Qaramada Midoobay ee lagu aasaasay Maxkamada Dambiyada Caalamiga ah ee Ruwaanta (International Criminal Tribunal Rwanda (ICTR), ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in ciidammada Jabuuti xabad ku furaan dad shacab ah, waxaannu yidhi; “Kumanaan qof oo Maraykan ah ayaa Djibouti ka shaqeeya, waxaanannu saamayn badan ku leenahay Madaxweyne Ismaciil Cumar Gelle, balse waxa aan aad uga xumahay kadib markii ciidammada Madaxweyne Gelle xabad nool ku fureen 21 December dad shacab ah, dawladda Maraykankuna xasuuqaas may dhaleecayn.”

Madaxa Xidhiidhka Caalamiga ah ee Midawga Mucaaridka Jabuuti ee USN Mr.  Cabdiraxman Booreh, ayaa Wakaaladda GNA u sheegay in ay soo dhawaynayaan in Maxkamadda ICC dawladda Jabuuti ku wargelisay in ay sharciga iyo kala dambaynta ilaaliso.

Source: Toosh

Comments are closed