|

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,& Hogaanada 3 Xisbi Qaran oo Maanta ka qaybgalay Munaasibada daahfurka Dugsiyada Boodhinka ah ee Guddida Dan iyo Duco ka Hirgelisay Gobolka Saaxil SAWIRO

Hargaysa 17.Sep 2016 (SDN/QJ):-Wefti uu hoggaaminaayo madaxweynaha Qaranka Somaliland, kuna wehelinayeen, masuuliyiin tiro badan oo uu ka mid yahay gudoomiyaha xisbiga kulmiye ahna murashaxa xisbigaasi Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Marwada koowaad ee Qaranka Somaliland Marwo Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirde, ayaa deegaanka Madheera gaar ahaan Dabayla-weyne waxay maanta kaga qaybgaleen xaflad aad loo soo agaasimay laguna daahfuray dhismayaasha laba dugsi sare ee  boodhinka ah gacantana ay ku hayeen guddida horumarinta gobolka saaxil ee loo soo gaabiyo Dan iyo Duco, dugsiyadaas oo laga hirgeliyey Deegaamada Dabayla weyne iyo Dubur ayaa noqon doona kuwo loo dhisay inay wax ku bartaan in ka badan 800 oo Arday. Magacooda guudna uu noqon doono Dan iyo Duco “Boarding Schools” ee Gobolka Saaxil.

Munaasibadaasi oo ahayd mid saacado socotay waxa ka hadlay masuuliyiinta gobolada Saaxil, maroodijeex, madaxdhaqameed, culimo, waayeel, waxgarad, Siyaasiyiin, qurbajoog, haween, Murashaxiinta saddexda xisbi qaran oo kala ahaa Md. Muuse Biixi Cabdi, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ciro iyo Md. Jamaal Cali Xuseen, iyo wasiiro iyadoo uu munaasibada soo xidhay Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo ay hadaladiisa ka mid ahaayeen”Sharaf weyn bay ii tahay in aan ka soo qaybgalo xafladan  furitaanka labada Dugsi (School) ee Dubur iyo Dabayla-weyne. Waxaan hambalyeynayaa Guddida Dan iyo Duco ee fulisay mashruucan qiimaha badan. Waxaan u mahadnaqayaa dhammaan cid kasta oo ka qayb qaadatay maskax, muruq iyo maal dhismaha hoygan Waxbarasho. Waxaan dhiirigelinaynaa mashaariicda horumarinta dalka, waxaannu xukuumad ahaan diyaar u nahay in aannu gacan weyn ka geysano sidii ay u shaqayn lahaayeen, mashaariicda noocan oo kale ahi dadka iyo dalkana waxtarka u leh.

Ka dib markii munaasibadu dhamaatay waxa madaxweynaha iyo weftigiisa hadhimo sharafeed loogu sameeyey isla dugsigaasi boodhinka ah ee Dabayla-weyne gudihiisa, hadhimo sharafeedka ka dibna weftigii madaxweynuhu waxay u soo boqooleen dhinaca caasimada Somaliland, waxaanay la kulmeen shil gaadhi oo ka dhacay wadada u dhaxaysa Berbera iyo Hargeysa, shilkaas oo sababay dhaawaca saddex askari oo ahaa ilaaladii gudoomiyaha Golaha wakiilada ahna gudoomiyaha Xisbiga Waddani mudane Cirro oo isagu weftiga ka mid ahaa iyo Gaadhi yar oo nooca raaxada ah oo uu saarnaa derawalkii waday oo keliya kaasooo u soo gaadhay dhaawac aad u culisi, Markii uu madaxweynuhu soo gaadhay goobta wuu u degay dhaawacii iyo khasaarihii goobta ka dhacay waxaanu u duceeyey dadkii halkaasi wax ku noqday inuu Alle Caafimaad sareecana siiyo. Iyadoo markiiba loola soo cararay dhinaca cusbitaalka guud ee hargeysa.

dsc_0000 dsc_0001 dsc_0002 dsc_0003 dsc_0004 dsc_0005 dsc_0006 dsc_0007 dsc_0012 dsc_0019 dsc_0030 dsc_0040 dsc_0051 dsc_0055 dsc_0056 dsc_0057 dsc_0058 dsc_0059 dsc_0060 dsc_0067 dsc_0068 dsc_0069 dsc_0074 dsc_0083 dsc_0099 dsc_0104 dsc_0107 dsc_0114 dsc_0128 dsc_0137 dsc_0143 dsc_0160 dsc_0167 dsc_0178 dsc_0182 dsc_0183 dsc_0190 dsc_0195 dsc_0197 dsc_0204 dsc_0205 dsc_0206 dsc_0207 dsc_0210 dsc_0213 dsc_0217 dsc_0224 dsc_0225 dsc_0229 dsc_0231 dsc_0239 dsc_0240 dsc_0241 dsc_0242 dsc_0244 dsc_0251 dsc_0254 dsc_0257 dsc_0258 dsc_0268 dsc_0272 dsc_0276 dsc_0281 dsc_0283 dsc_0284 dsc_0288 dsc_0292 dsc_0294 dsc_0304 dsc_0306 dsc_0308 dsc_0310 dsc_0312 dsc_0314 dsc_0318 dsc_0322 dsc_0323 dsc_0325 dsc_0327 dsc_0328 dsc_0335 dsc_0338 dsc_0339 dsc_0340 dsc_0342 dsc_0346 dsc_0348 dsc_0352 dsc_0354 dsc_0356 dsc_0358 dsc_0362 dsc_0364 dsc_0372 dsc_0374 dsc_0378 dsc_0406 dsc_0410 dsc_0421 img_2538

Comments are closed