|

Sadex ka Mid ah Ilaaladda Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Iyo Qof Rayid ah oo Ku dhaawacmay Shil Baabuur DAAWO

Hargaysa 17.Sep 2016 (SDN/QJ):-Shil Baabuur oo ka dhacay Jidka isku Xidha Magaalooyinka Hargaysa Iyo Berbera ayaa Waxaa Dhaawac ka soo Gaadhay Afar Qof oo Sadex ka mid ahi ahaayeen Ilaalada Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Iyo Hogaamiyaha Xisbiga Waddani iyo Qof Rayid ah.

Shilkan ayaa dhacay Xili Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu ka soo Laabanayay Socdaal uu ku Tegay Deegaano ka Tirsan Gobolka Saaxil oo uu kaga qayb galay Daahfurka Laba Dugsi Boodhin Waxaana isku dhacay Gaadhi yar oo Nooca raaxada ah iyo Gaadhi Land Cruser ah oo ay Saarnaayeen Ilaalada Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda.

Gaadhiga Raaxada ah ayaa lagu soo waramayaa inuu Saarnaa Dareewalkii Waday kaas oo uu soo Gaadhay Dhaawac Culus , Markii uu madaxweynuhu soo gaadhay goobta uu Shilku ka dhacay Wuxuu alle uga baryay in dadka ku dhaawacmay uu Caafimaad siiyo Waxaana dhaawaca la soo gaadhsiiyey Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargaysa oo Xaaladooda Caafimaad lagula Tacaalayo.

Comments are closed