|

Madaxweynaha la Doortay ee Somaliland oo Magacaabistiisii Kowaad Maanta soo Saaray & Mas’uuliyiin uu Shaqo gaar ah u Igmaday!!

Hargaysa 06. December 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha la Doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta Magacaabay Guddida Xil wareejinta Xiliga kala Guurka ah kuwaas oo ka kooban 9 Xubnood xilka loo igmadayna yahay diyaarinta hagista dhammaan hawlaha xil-wareejinta xilliga kala-guurka ah iyo goobta xil-wareejinta.

Qoraalka Magacaabista Xubnahan ee uu soo saaray Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa u dhignaa Sidan:-

Kadib markii aan la tashaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Kadib markaan xaqiiqsaday muhiimadda xilliga kala-guurka ah; waxa loo magacaabay xubnaha magacyadoodu hoos ku qoran yihiin in ay noqdaan Guddida Xil-wareejinta Xilliga Kala-guurka ah. Xubnaha Guddidu waxa ay kala yihiin:

  1. Dr. Sacad Cali Shire – Guddoomiye
  2. Maxamed Kaahin Axmed – Xubin
  3. Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon – Xubin
  4. Maxamuud Xaashi Cabdi – Xubin
  5. Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare – Xubin
  6. Prof. Axmed Ismaaciil Samatar – Xubbin
  7. Eng. Xuseen Ibraahim Xasan Buuni– Xubin
  8. Eng. Ibraahim Daahir Dubad – Xubin
  9. Yuusuf Maxamed Cabdi – Xubin

Madaxweynaha la doortay Waxa uu iftiimiyey Shaqada ay qabanayaan Guddidani isagoo yidhi ‘’Masuuliyadda Guddida Xil-wareejinta Xilliga Kala-guurku waa diyaarinta iyo hagista dhammaan hawlaha xil-wareejinta xilliga kala-guurka ah iyo goobta xil-wareejinta. Muddada xilka Guddidu waxa uu ku kooban yahay ilaa maalinta xil-wareejinta.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi,

Madaxweynaha La Doortay ee JSL

Comments are closed