|

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo afka ciida loo daray & Guul daro Taariikhi ah oo la soo deristay!!

Washington 13. December 2017 (SDN/QJ):- Dhanka Roy Moore waxay u muuqataa in uu isa soo adkeyn doono haddii uu damco in markale uu kexeeyo faraska, xilli gabal dhac ah.

Wuxuu ku naaloonayay muxaafidnimo, taageero ballaaaran ayuu ka helay Steven Bannon, waxaa calanka u lulay Donald Trump in kastoo laga carooday oo mucaaradid uu kala kulmay qaar ka mid ah Jamhuuriyiinta. Haddaba maxaa laga fahmay guularradiisa?

 

Waa arrin aanba loo baahneyn oo la fahmi karo. Waxay indhaha ku fooraraan sida loo “bahdilay” Donald Trump, Laakiin fadeexadda ugu wayn waxay haysataa madixii hore ee dhanka istiraatiijiyadda u qaabilsanaa Aqalka Cad Steve Bannon.

 

Doorashada Alabama waxay daahfur u tahay codeynta xilliga dhexe ee bisha November ee sannadka soo socda lagu soo dooran doono xubnaha aqalka sare iyo wakiillada.

 

Alabama waxaa suuragal ah in ay qaaday iska caabin daandaansi ah oo ka dhan ah taageerayaasha Trump iyo ceebeyn ay u dirayaan xisbiga Jamhuuriga oo iska dhigay kuwa leh guusha doorashooyiinka horudhaca ah si ay ugu guuleystaan doorashada rasmiga ah ee ay Dimuquraadiyiinta foodda darayaan.

Haddaba, Mr Bannon waxaa looga adkaaday 2-1. Sababtoo ah, Roy Moore wuxuu doorashaddii hordhaca ee Jamhuuriga uga soo adkaaday Luther Strange, Balse waxaa lagu garaacay meeshii macnaha lahayd. Taasna waxay musiibo ku tahay Bannon iyo Trump.

 

Natiijadan waa meesha aad ka xaqiiqsan karto in Jamhuuriyiinta ay dhadhamiyeen guuldarada uu Bannon la kulmay, halka Dimuquraadiyiinta ay indhahooda ku arkeen la yaabka guusha ay gaareen.

Bannon, oo ahaa nin is mahdiyay oo mooday in uu derbiyada dumin karo, maanta wuxuu u muuqdaa qof daciif ah. Weli looma wada dhameynin, balse awooddiisa waala wiiqay.

 

Donald Trump, oo hadda naftiisa ku arkay dhanka guuldarada oo mucaaradkiisa ay ku farxayaan, wuxuu dhibaato kala kulmi doonaa in aqalka Senate-ka uu geeyo shuruucda oo doonayo in la meel mariyo. Hadda, aqalka waxaa wada fadhindoona 51 Jamhuuriyiin ah iyo 49 Dimuquraadiyiin ah.

 

Taasi micneheedu wuxuu yahay in kooxda Jamhuuriga lagu faragelin doono awoodda aqalka sharcidejinta

 

‘Waxay la mid tahay geerida ka dib’

Hadallada adag ee aan wanaagsaneyn ee Trump waxay u fududeeyeen in uu ka soo adkaado raggii caanka ahaa ee Jamhuuriga, ka dibna uu noqdo madaxweynaha Mareykanka.

 

Laakiin midda Alabama, hadda wuxuu ka tirsan yahay dhanka guuldareystay, weliba laba goor. Markii koobaad, wuxuu ku fashilmay taageeriddii Luther Strange, ka dibna in uu si adag u taageeray Roy Moore oo ay ku caddaatay in uusan masuuliyad siyaasadeed qaadi karin, ka dib markii si joogto ah loogu eedeeyay in uu gabdho yaryar xadgudub galmo kula kacay.

Sababta ay arrintan macnaha u leedahay waxay tahay in laba sanno gudahood Donald Trump uu noqday nin lagu caayay masraxa siyaasadda dhexdiisa. Dheh wixii aad jeceshahay, cay qofkaad doonto, samee wixii ay kula noqoto, iyo marka sharciga Newton la joojiyo ma jirto saameyn ay kugu yeelaneyso.

 

Laakiin si lama filaan ah ayuusan madaxweynahaasi uga howlgali karin meel uusan xoog badan ku lahayn. Afka ayaa ciida loo daray. Taasina waa muhiim.

Marka qof u muuqdo mid aan la arki karin balse uu isbedel dhaco, waxay ku noqoneysaa geerida ka dib, waxay saameyn ku yeelaneysaa saaxiibbadiisa, cadowgiisana si fudad ayey u abaarayaan dhankiisa. Waxay noqonayaan kuwo aan ka sii baqin isaga. Arrintaas waa midda hadda Trump uu wajahayo.

 

Haddaba, aan sheegno xaqiiqada kuwa ku guuleystay Alabama, ee Dimuquraadiga. Ka dib dhibaato haysatay muddo bilo ah, hadda waxay noqdeen kuwa guuleystay. Waxay guul ka gaareen Alabama. Halkan waa meesha ay uga billaabatay in ay xaaqaan kooxda Trump, marka la gaaro dhoorashada xilliga dhexe ee sanadka soo socda! Waxay la soo noqon karaan maamulka Congress-ka. Waa in ay burus la dhacaan madaxtinimada Trump.

 

Sidoo kale, tani ma ahayn oo keliya codeyn ay ku niyad qabowsadeen Dimuquraadiga, balse waxay ahayd go’aan iyo afti ka dhan ah Roy Moore.

Eedaha loo soo jeediyay marka laga hadlayo iyo sidoo kale dadka caanka ah ee isa soo bandhigay, sida gabadha madaxweynaha Ivanka Trump iyo hoggaamiyayaasha aqlabiyadda Senate-ka iyo aqalka Wakiillada oo Moore diiday, haddana Mr Moore wuxuu si aad ah ugu soo dhowaayay ninkii la tartamayay ee Doug Jones.

 

Haddaba, muxuu yahay go’aanka Dimuquraadiga? Ma waxay taageerayaan Hillary Clinton ama Bernie Sanders? Muxuu yahay dareenkooda ku aadan farriinta dhaqaalaha? Sidey dib ugu soo celin karaan midabkooda buluugga ah?

 

Dimuquraadiga waxay ku saxan yihiin in guushooda maanta soo bandhigaan. Balse dhibaatada sababtay in ay waayaan doorashadii Nofembar ee 2016 weli laguma illaawin guusha aan caadiga ahayn ee Alabama.

Comments are closed