|

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo Kashifay Sir ku saabsan Booqashadiisii Sucuudiga

Washington 17. July 2017 (SDN/QJ):- Arin loo arko inay tahay qumbulad nuclier ah oo qaraxday sida ay ka dhawaajiyeen khubaro faro badan oo siyaasadda ka faalootaa, Madaxweynaha Dalka Maraykanka Donald Trump ayaa kashifay sir diblumaasiyadeed oo weyn markii uu sheegay in uu sucuudiga shuruud kaga dhigay inay Balaayiin doolar hub kaga iibsadaan hadii ay doonayaan inuu ka qaybgalo kulan madaxeedkii ku qabsoomay Magaalada Riyaad.

Donald Trump oo u waramay shabakada Wararka ee CBN ee dalka maraykanka waxa kale oo uu sheegay inuu sidoo kale ka qaybgalka shirkaasi shuruud kaga dhigay joojinta taageerada Argagixisada, isagoo ku adkaystay in wadamo gobolkaa degani ay lug ku leeyihiin taageerada Argagixisada.

Waraysigiisa waxa uu ku sheegay in xidhiidhka dalkiisu la leeyahay dawlada Qatar uu aad u wanaagsan yahay wax mushkilad ahina aanay ka jirin saldhiga ciidan ee maraykanku ku leeyahay Magaalada dooxa, hadii ay Saldhigaa kala bixi lahaayeen Dalka Qatar-na ay heli karayeen tobanaan wadan oo kale oo martigeliya saldhigaasi, kuwaasoo weliba iyagu dhaqaalahooda ku dhisi lahaa, waayo ayuu yidhi madaxweynaha maraykanku waa la soo dhaafay xiligii aanu anagu dhaqaalaha ku bixin jirnay arimahaa dibna uma soo noqonayo.

Madaxweynaha maraykanka ayaa soo gaadhay magaalada Riyaad ee Dalka Sucuudiga 20 bishii May ee sanadkan, waxayna ahayd socdaalkiisii ugu horeeyey ee dalka dibadiisa uu ugu ambabaxo tan iyo markii Madaxweyne loo doortay dhamaadkii sanadkii hore, isagoo Magaalada Riyaad kaga qaybgalay kulan madaxeed ay soo xaadireen 55 hogaamiye oo ka kala socday dalalka carabta iyo Islaamka.

Comments are closed