|

Maxaa Ka Jira in Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye uu Canaan Kulul u Jeediyey Wasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland & Sababta Keentay!!

Burco 17. July 2017 (SDN/QJ):- Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye ahna Gudoomiyaha Xisbigaas Mudane Muuse Biixi Cabdi oo Weli Ku guda jira Socdaal uu ku Marayo Gobolka Togdheer ayaa la soo Weriyey inuu Cannaan Xoogan la Miciinsaday Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed ‘’Cali Mareexaan’’ oo ka Mid ah Mas’uuliyiinta Safarkiisa ku wehelisa.

Canaanta ayaa salka ku haysay Cagaf uu dhawaan kala noqday degmadda Dhoqoshay wasiir cali mareexaan taas oo uu badalkeeda uu geeyay ama u iibiyay dagmaddaasi Hogaamiyaha xisbiga waddani Xirsi X cali.

 

Waxaana wararka hor dhaca ahi sheegayaan in guddoomiye muuse biixi ku canaantay wasiirka in ay khalad ahayd inuu Cagaftaasi Kala noqdo Degmada Dhoqoshay oo Si Diiran loogu soo dhaweeyay iyadoo dhinaca kalena uu Xisbigu Olole Siyaasadeed oo Taageero doon uu ku Jiro.

Maalmahii u dambeeyay ayaa waxaa aad loo hadal hayay talaabaddan uu qaaday wasiirka howlaha guud taas oo ah mid waxyeelo gaadhsiin karta xisbiga uu u halgamayo ee kulmiye.

Hasa Yeeshee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa loo arkaa Mid si wanaagsan uga faa’iidaystay Fursadan uu lumiyey Xisbiga Kulmiye.

Comments are closed