|

Madaxweynaha Somalia oo Booqasho ku tagay Magaalo Xeebeedka Kismaayo

Kismaayo 31.October 2013 (SDN)-Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu la kulmo hoggaamiyaasha maamulka KMG ah ee Jubba, si ay u sii xoojiyaan heshiiskii bishii August ee sanadkan ay labada dhinac ku gaareen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Xasan sheekh oo warbaahinta la hadlayMas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa madaxweynaha ku wehliya safarkiisa, iyadoo Kismaayo shalay ilaa maanta ay gaareen saraakiil iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka, kuwaasoo u gogol xaarayay booqashada madaxweynaha.

Ammaanka magaalada ayaa si aad ah loo adkeeyay ka hor imaanshaha madaxweynaha.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka KMG ah ee Jubba ayaa 21-kii bishan ku heshiiyay in wajiga koowaad ee shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka lagu qabto magaalada Muqdisho, taasoo markii hore uu ka soo hor jeeday hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba, balse markii dambe uu ogolaaday.

Kismaayo SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed