|

Madaxweynaha Somaliland oo Kormeeray dhaamka Xumbo weyne Iyo dib u dhiska wadooyinka Caasimada + Soo Dhawayn balaadhan oo ay shacbiga Hargeysi ku qaabileen SAWIRO

Hargaysa 28. March 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta ku soo laabtay magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa, isagoo soo kormeeray Dhaamka Xumbo weyne oo gebegebo ku dhaw wakhtigan roobabkiina ay buuxiyeen oo uu guul iyo tijaabo wacana uu joogo biyo xidheenkaasi.

Iyadoo madaxweynaha ay dadweynaha caasimadu ku qaabileen soo dhaweeyeen aanay u kala hadhin oo taxnayd dacalada magaalada ilaa madaxtooyada ayuu madaxweynuhu kormeer ku tegay wadada ay dawlada hoose ee hargeysi gacanta ku hayso taasi oo maraysa saldhiga dhexe hortiisa iyadoo ay ka soo bilaabeen Airportka Hargeysa.

Waxaana madaxweynaha warbixin ka siiyey maayarka caasimada siday hawshu ugu socoto, madaxweynuhuna wuxuu hambalyo u diray maayarka iyo guud ahaan inta ku hawlan shaqadaasi qiimaha badan, ka dib madaxweynuhu waxa uu salaan gacan taag ah ugu tegay dadweyne aad u tiro badan oo soo buux dhaafiyey jidadka caasimada waxaanu u soo gudbay dhinaca qasriga madaxtooyada oo ay ku sugayaan haldoorka bulshada somaliland iyo masuuliyiin uu hogaaminayey madaxweyne ku xigeenka qaranka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici.

Socdaalkan madaxweynaha oo qaatay muddo afar maalmood ah ayuu madaxweynuhu ku tegay gobolada saaxil iyo Togdheer oo ay ka socdaan mashaariic horumarineed oo mustaqbalka dhaw iyo ka fogba qaranka iyo shacbigiisa guul taariikhi ah u leh, shacbiga somaliland oo ka duulaya aragtidaasi madaxweynaha ayaa maanta kaga jawaabay isu soo bax ay ku soo dhaweynayeen madaxweynaha qaranka.

?

?

 

Comments are closed