|

Madaxweynaha Somaliland oo uu weheliyo Guddoomiyaha KULMIYE oo ka qaybgalay Qallinjabinta Jaamacadda Timacadde ee Gabiley + Daawo MUUQAALKA & SAWIRADA

Gabiley 31.August 2016 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu weheliyo Guddoomiyaha xisbal-xaakimka KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay qallinjabinta dufcadda afraad ee Jaamacadda Timacadde ee Gabiley maanta.
Madaxweynaha iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin wasiirro ka tirsan golaha xukuumadda iyo madax kala duwan, ayaa ka qaybgalay xaflad qurux badan oo loo sameeyey dufcadda afraad ee ardayda ka qallinjabisay shahaadooyinka Degree-ga iyo Diploma-da ee Jaamacadda oo lagu qabtay isla xarunta Jaamacaddaasi ku leedahay magaalada Gabiley maanta, taas oo mardhawayd soo gabogabowday.
Weftiga Madaxweynaha waxa si wayn loogu soo dhaweeyey deegaannada Gobolka Gabiley, gaar ahaan magaalooyinka Abaarso, Caabudla’, Arabsiyo iyo Gabiley, kuwaas oo boqolaal dadweynaha ku dhaqani ahi isugu soo baxeen jidadka iyagoo lulayey caleemo-qoyan iyo calanka Qaranka oo ay ku qaabilayeen Madaxweynaha iyo weftigiisa.
Madaxweynaha Qaranka Md. Axmed Siilaanyo iyo Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi, ayaa khudbado ka jeediyey xafladda ay hambalyo iyo bogaadin ugu direen ardayda qallinjabisay.

Halkan hoose ka daawo khudbadda Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ka jeediyey xafladda qallinjabinta


DSC_3819.JPG001

DSC_3819.JPG003

DSC_3819.JPG004

DSC_3819.JPG006

DSC_3819.JPG008

DSC_3819.JPG009

DSC_3819.JPG010

DSC_3819.JPG014

DSC_3819.JPG015

DSC_3819.JPG016

DSC_3819.JPG017

DSC_3819.JPG018

DSC_3819.JPG019

DSC_3819.JPG020

DSC_3819.JPG023

DSC_3819.JPG024

DSC_3819.JPG025

DSC_3819.JPG026

DSC_3819.JPG029

DSC_3819.JPG030

Comments are closed