|

Madaxweynaha Soomaaliya: Fursadaha u Furan Al-Shabaaab Kuma Koobna Inay Kala Doortaan Noocyada Argagixisada

Muqdisho 31.Oct 2015 (SDN/QJ)- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa ka hadlay wararka ku saasan khilaafka kala dhexgalay xubnaha kooxda Al-Shabaab oo u ku salaysan inay ku biiraan kooxda Daacish iyo inay wali usii hoggaansamaan kooxda Al-Qaacida. Madaxweynuhu wuxuu usoo jeediyey xubnahaas Al-Shabaab inay jirto talo kale oo ka fiican labaadaasba.
Madaxweyne-Xasan-Sheekh-Maxamuud-00Wuxuu u sheegay in Daacish iyo Al-qaacid ay labaduba ka shaqeeyaan burbur iyo dhimasho kaliya ee ay intay iyaga raaci lahaayeen qaataan wadada nolosha, dhisida iyo nabadda. Wuxuuna yiri:
“Xaqiiqdii, labadan kooxood ee Daacish iyo Al Qaacida waxay u taagan yihiin hawshooduna ay tahay in ay wax burburiyaan. Waxay labaduba diiradda saaraan gumaadka iyo dhimashada, mana kala soocaan dadka ay dhibaateynayaan, amaba wax u geysanayaan: Waxay dilaan dadka Muslimiinta ah ee ka soo horjeeda nidaamkooda khaldan, waxay sidoo kale dilaan dad aan waxba galabsan oo ka soo jeeda diimaha kale. Waxay labaduba cabburiyaan xorriyadda hadalka iyo xuquuqda aadanaha ee aasaasiga ah, sida xuquuqda waxbarashada ee wiilasha iyo gabdhaha, iyo weliba xuquuqda dumarka. Waxaa dhammaantood ka go’an wax burburinta, sida dadka, qoysaska iyo weliba waddankeena. Waxa keliya ee ka go’an waa wax burburin, sidaa darted magaca Daacish waa mid si gaar ah ugu habboon falalka gurracan ee ay ku jiraan.”
Madaxweynuhu wuxuu kale oo naqdiyey sida gaarka ah ee ay kooxaha argagixisadu u adeegsadaan magaca diinta Islmaamka. “Fikirka argagixisadu waa mid mar walba laba lagu saleeyo sida sax iyo khalad, waxa san iyo waxa xun, innaga iyo iyaga iwm. Waxay sheegtaan in ay ku jiraan dagaal ay doonayaan in ay ku soo dhisaan xukuumad barakeysan oo Islaami ah oo khaliifyo ay ka taliyaan, laakiin xaqiiqdu waxay tahay in aaney jirin wax barakeysan oo meesha ay ku hayaan oo la xiriira hab dhaqankooda iyo ujeedka ay sheeganayaan.”
Madaxweynaha ayaa si gaar ah farriin ugu direy ururka argagixisada Al Shabaab ee Soomaaliya: “Ha u maleynina in fursadaha idin bannaan ay ku kooban yihiin oo keliya in aad daacad u noqotaan Al Qaacida ama Daacish si ay idinku noqdaan madax maqaar saar ah. Waxaa jirta fursad kale oo taas ka wanaagsan, taas oo ah mid sax ah oo barakeysan: waa waddada nabadda.”
“Ma dooneyno nooc cusub oo cabsi iyo cabburin lagu beerayo Soomaaliya. Soomaaliya wey ku soo daashay khasaaraha ka soo gaaray noocyada argagixisada,’’ ayuu yiri Madaxweynaha. “Aniga oo ku hadlaya magaca Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxan idinku boorrinayaa in aad doorataan waddada nabadda.”
Sida Madaxweynuhu sheegay anaguna waxaan rajeynaynaa in kuwa wali la jooga Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada ah ay qaataan go’aan wanaagsan, kana baxaan kuwaas oo ay ka qaybqaataan horumarka, dib-udhiska iyo nabadda Soomaaliya.

Comments are closed