|

Diyaarad Ruushku Leeyahay oo Ku dhacday Deegaanka Siinay ee Dalka Masar iyo 224 Ruux oo ku Geeriyooday

Qaahira 31.Oct 2015 (SDN/QJ)- Ra’iisul wasaaraha dalka Masar Shariif Ismail ayaa maanta xaqiijiyey in diyaarad laga leeyahay dalka Ruushka oo ay saarnaayeen 224 qof ay ku dhacay Deegaanka Dhul weynaha Siinay ee dalka Masar,Diyaaradaas oo ka Kacday magaalada dalxiiska loo tago ee Sharm El-Sheikh.

_86422172_029891559-1Saraakiisha dalka Masar ayaa sheegaya in diyaaradaasi ay dhacday wax ka yar 30 daqiiqdo markii ay garoonka ka kacday, taasoo nooceedu ahaa Airbus A-321, tiriskeeduna uu ahaa 9268, waxayna sheegeen in ay saarnaayeen 224 rakaab ah oo 17 ka mid ah ay carruur ahaayeen, iyo toddobo shaqaalaha diyaaradda, Waxaana Wararku Sheegayaan in aan Cidi ka Badbaadin Shilkaasi diyaaradeed.
Ra’iisul wasaaraha dalka Masar ayaa sheegay in kulan deg-deg ah oo la yeellan doono laammaha ammaanka ee dalkiisa.
Madaxweynaha Dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in Beri oo axad ah ay dalka Ruushka ka noqon doonto Maalin baroor diiq ah kadib Dhacdada Shilkan Diyaaradeed awgeed isagoo amray in Koox dalkiisa ka socota loo diri doono goobta diyaaradu ku dhacday si ay baadhitaan rasmi ah ugu sameeyaan Sababaha Shilkan diyaaradeed dhaliyey iyadoo Xukuumadda Masarna ay gacan ka siin doonto baadhitaanka dhacdadan.
Dawlada Masar ayaa dhankeeda ku dooday inaan diyaaradan dhulka laga toogan.
Goobtan ay Diyaaradu ku dhacday ayaa ah meel ay ku xoogan yihiin Jab’hadaha Islaamiga ah ee Ka soo hor jeeda Xukunka Madaxweyne C.fataax Siisii.

Comments are closed