Ciidamada Booliska Puntland iyo kuwa Midowga Yurub oo yeeshay kulan ku saabsan amniga badaha

Boosaaso (QJ) – Ciidamada Booliska Puntland iyo kuwa Midowga Yurub ee EUNAVFOR gaar ahaan howlgalka ATALANTA ayaa shir heer sare ah oo ku saabsan amniga badda ku yeeshay Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Spain oo lagu magacaabo ESPS Navarra (F-85) kaas oo ah calanka howlgalka ATALANTA.

Kulanka oo ka dhacay gacanka cadmeed ee u dhow dekedda Boosaaso ayaa waxaa ka qeyb galay wafdi ka socday Booliska Puntland oo uu hoggaaminayay Sarreeye Guuto Zakariya Cabdiraxmaan oo uu wehliyo Gaashaanle Sare Aadan. Waxaa qaabilay Rear Admiral Francisco Javier Vázquez Sanz iyo saraakiil sare oo ka tirsan EUNAVFOR.

Wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray caqabadaha muhiimka ah ee ku aaddan amniga badda, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray xeeladaha ka hortagga burcad-badeedda iyo khataraha kale ee badda.

Sarreeye Guuto Zakariya ayaa ku tilmaamay booqashadan “tallaabo muhiim ah oo ka mid ah dadaalladayada socda ee lagu xoojinayo amniga badda iyo iskaashiga caalamiga ah”.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in “fahamka awooda ciidamada badda ee saaxiibadayada ay muhiim u tahay xoojinta amniga xeebaha iyo xaqiijinta xasiloonida baddeena.”

Gaashaanle Dhexe Aadan oo ah taliyaha qaybta CID-da ee gobolka Bari ayaa bogaadiyay wada shaqaynta soo jireenka ah ee ka dhaxaysa EUNAVFOR iyo Booliska Puntland, isagoo soo dhaweeyay wada shaqayn dheeraad ah.

Rear Admiral Francisco Javier Vázquez Sanz ayaa ku celceliyay dareenkan, isagoo yiri: “In la dhiso iskaashi adag oo lala yeesho maamulka Puntland waa mudnaanta koowaad.”

Wuxuu xaqiijiyay EUNAVFOR inay ka go’an tahay inay taageerto dadaallada Puntland ee lagu xaqiijinayo amniga badda ee mustaqbalka fog.