Uncategorized

Madaxweynaha Soomaaliya oo Kormeeray Xerooyin Ciidan, Xilli ay soo dhawdahay 12-April

Muqdisho April 08 2013 (SDN)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho ku tagay xerooyin ciidan oo ku yaala Magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Xerada Jazeera ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo ciidamada Dowladda Soomaaliya tababar uu uga socdo.

Ciidanka uu ku booqday Xerada Jazeera ee ayaa gaaraya ilaa 1000 ciidan kuwaasi oo ah kuwa Milateriga Soomaaliya tababarkana uu uga socda Xerada Jazeera.

Madaxweynaha oo ciidamada tababarka uga socda Xerada Jazeera la hadlay ayaa usheegay inay heli doonaan mushaaraad fiican hadii wajibaadka qaran ee saaran si wanaagsan ugutaan.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Dugsiga tababarka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee Generaal Kaahiye.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ciidamo kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya kula hadlaya Dugsiga tababarka ciidanka.

SDN-Muqdisho