Muqdisho April 06 2013 (SDN)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladiisa ay haysato dhaqaalo xumo sanadkaan keydka Dowladda ay haysatana uusan sidaasi ubadneyn.
Dhaqaalaha Dowladda Soomaaliya ukeydsan ayaa wuxuu ku sheegay inay gaareyso 114 Milyan oo doolarka Mareykanka ah taasi oo muujinaysa dhaqaalaha Dowladda haysato inuusan aheyn mid buuran oo dhaqaalo la’aan ay jirto.Iyadoo dhaqaalo daradaasi ay haysato Dowladda Soomaaliya ayaa Madaxweynaha wuxuu sheegay in bishan kadib ay bilaabayaan kordhinta mushaaraadka ciidanka xooga dalka Soomaaliya.
Shaqaalaha rayidka ee Dowladda ushaqeeya ayaa wuxuu sheegay inay usameeyeen dhaqaalo kordhin mida ciidankana iminka ay bilaabayaan.
Dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay inay sameynayso nidaam amni oo qofka dambiilaha ah ka cabsado midka muwaadinka ahna uu ku noolaado.
Taageerada caalamka ayuu sheegay inay si buuxda u imaan doonto marka la hirgaliyo nidaam dambiilaha uu ka cabsado oo si toos ah udhaqan galo.
