|

Madaxweynaha Soomaaliya oo shiriyay gollaha amniga qaranka

Muqdisho February 27, 2024 (QJ) -Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shir guddoomiyay shirka Golaha Amniga Qaranka oo ay ka soo qeyb galeen madaxda kala duwan ee hay’adaha amniga.

Kulanka ayaa looga hadlay dar dar gelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, fulinta ka bixitaanka ATMIS-ta, iyo horumarinta qorshayaal dhameystiran oo lagu sugayo amniga dalka marka ay baxaan ciidamada ATMIS.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay shirka amniga dalka, ayaa ku nuux-nuux saday baahida loo qabo in hay’adaha amnigu ay xoojiyaan dadaallada lagu dhaqangelinayo xakameynta Hubka iyo Rasaasta iyo tayeynta maamulka dalka.

Wuxuu xusay in guusha laga gaaray qaadista cunaqabateynta hubka ay sabab u tahay in si hufan loo hirgeliyo qorshaha lagu carqaladeynayo hubka la siiyo kooxaha hubeysan iyo ilaalinta hubka ciidamada qalabka sida.

Comments are closed