|

Ciidamada Soomaaliya oo ATMIS codsi u gudbiyay

Muqdisho February 27, 2024 (QJ) -Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed General Ibraahim Sheekh Muxudiin iyo saraakiisha ciidamada ATMIS ayaa maanta kulan ay yeesheen waxa ay uga hadleen dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya.

Intii uu socday kulanka ayaa wakiilo ka socday labada ciidan waxay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta ciidamada ATMIS iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed si si hufan loola dagaallamo kooxaha ku lugta leh dagaallada.

General Muxudiin ayaa Saraakiisha ATMIS ku wargeliyay inay dib u bilaabayaan hawlgalada ka dhanka ah Ururka Al Shabaab, isagoona ka codsaday inay gacan ka siiyaan dagaalka socda.

Ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMIS ayaa labadii sano ee la soo dhaafay horumaro la taaban karo ka sameeyay dadaallada nabad ilaalinta ee dalka, iyagoo guulo badan ka gaaray howlgallada Al-Shabaab looga xoreeyay deegaanno badan.

Comments are closed