|

Madaxweynaha Turkiga Oo 3 Bilood Oo Dheeri Ah Ku Daray Mudada uu Dalkiisu ku Sii Jirayo Xaaladda Degdega Ah

Ankara 30.Sep 2016 (SDN/QJ):- Madaxwaynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa meel mariyay in saddex bilood oo dheeri ah lagu daro wakhtiga uu dalku ku sii jirayo xaaladda dagdaga ah.

Taladaas lagu kordhinayo wakhtiga xaaladda dagdaga ah waxaa soo jeediyay guddiga ammaanka ee qaranka.

recep-tayyip-erdoganMadaxwaynuhu wuxuu sheegay in loo baahday wakhti dheeri ah oo lagu dabar jaro khatarta ka timid waxa uu ugu yeeray “kooxaha argagixisada ah” ee wixii ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay ee bishii todobaad.

 

Laakiin dadka dhaliilay arrintan waxay sheegayaan in sharciga xaaladda dagdaga ah si xun loo adeegsaday iyada oo ay intaas ku dareen in la xirxirayo dhamaan dadka ka soo horjeeda dawladda oo aanay ku ekayn dadkii looga shakiyay in ay maleegeen afgambiga.

 

Erdogan ayaa sheegay in ay ka go’an tahay soo afjaridda waxa uu ugu yeedhay “marinka argagixisada” ee xuduudda Turkiga iyo Suuriya.

Comments are closed