|

Mareykanka oo ka hadlay duqeyntii ka dhacday duleedka Magaalada Gaalkacyo DHAGAYSO

Gaalkacayo 30.Sep 2016 (SDN/QJ):- Dawladda Mareykanka ayaa markii ugu horeysay ka hadashay weerar duqeyn ah oo Doraad subixii hore ka dhacay duleedka koonfur bari ee magaalada Gaalkacyo.

 

Mareykanka ayaa si cad u qirtay in uu geystay weerarkii duqeynta cirka ahayd ee ka dhacday duleedka magaalada Gaalkacyo shalay 28, September, 2016.

 

captain-jeff-davisCaptain Jeff Davis oo ah Afhayeenka Waaxda Gaashaandhiga dalka Mareykanka ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay wuxuu ku sheegay in Dawladda Mareykanka ay qaadey weeraro duqeyn ah oo ay ka fulisay Duleedka Gaalkacyo iyo sidoo kale Gobolka Jubbada Hoose, wuxuuna Afhayeenku sheegay in duqeyntaasi ay ku bartilmaameedsanayeen Ururka Alshabaab.

 

Afhayeenka ayaa sheegay in weerar lagu soo qaaday ciidamo Soomaaliyeed iyo Lataliyaal Mareykan ah hase yeeshee iska caabin ay sameeyeen ciidamadaasi ay ku beegsadeen koox ka tirsan Alshabaab magaalada Gaalkacyo halkaasina ay ku dileen Sagaal ka tirsan Ururka Alshabaab sida uu hadalka u dhigay Sarkaalkaasi.

 

“Waxaa Soomaaliya inoo jooga tiro yar oo ciidamo Mareykan ah oo Dawladda Soomaaliya iyo Amisom ka taageeraya dadaalkooda dagaalka ka dhanka ah Alshabaab oo ah garabka Al-Qaacida ee dunida halkaasi u jooga, waxaa jiray laba kiis oo todobaadkii tagay dhacay oo aan qaadnay weeraro is difaacid ah, waxaana jirtay in ciidamo Mareykan ah oo ay la socdeen kuwa Soomaali ah oo dhulka hawlgallo ka sameynayay ay soo weerareen kooxda Alshabaab, waxaan ay sameeyeen is difaacid iyagoo weeraray ilihii kooxahaasi ay ka imaanayeen, mid wuxuu ahaa September 26-keedii oo Kismaayo Soomaaliya oo dhinaca Koonfureed ah, mid ka kalena wuxuu ahaa 28-ka September halkaasi waxay ahayd Gaalkacyo Puntland bartamaha Soomaaliya wuxuuna ahaa hawlgal ay Soomaalidu horboodaysay oo ka dhan ah Argagaxisada si looga hortago Kooxda Alshabaab oo sameynaysay waxyaabaha qarxa” ayuu yiri Afhayeenka Waaxda Gaashaandhiga dalka Mareykanka Captain Jeff Davis oo ka hadlayay weerarkii Mareykanka ee duleedka magaalada Gaalkacyo.

Comments are closed