|

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ku Dhaygagay Wasiirkii Hore ee Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali oo ay si kedis ah u kulmeen

Hargaysa 21.June 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo Doraad ka qayb galay Aaskii Qaran ee loo sameeyay Alle ha unaxariistee Marxuum Maxamed Cabdi Iskeerse ayaa intii aaska lagu jiray si kedis ah ula kulay Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xassan oo wax badan la soo kifaaxay islamarkaana ahaa shaqsi saamayn badan ku lahaa Xukuumaddiisa,oo mar qudhan uu ka mudhaxsaday.

Xirsi iyo SiilaanyoMadaxweynaha oo kursi loo dhigay goob gaar ah oo ka mid ah Halka uu aasku ka dhacay ayaa waxa salaamo kula leexday dad badan oo ay kala baadeen,waxa dadkaasi ka mid ahaa Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xassan. Madaxweynaha ayaa ku dhaygagay Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda islamarkaana sii daayn waayay,waa uu dhoola cadeeyay,Farxad iyo Xasuus hore awgeed, waxa uu ku salaamay Labadiisa gacmood sida ka muuqata Sawirkan,waxaanu kulankaasi shalay soo jiitay oo aad isha ula soo raacay dadkii goobtaasi ka ag dhawaa oo Taariikhda soo kala martay Madaxweynaha iyo Xirsi wax badan ka ogaa.

Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa bilawgii iyo badhtamihii Wakhtiga Xukuumadda Madaxweyne siilaanyo saamayn mugleh ku dhex lahaa,waxa uu ka mid ahaa shaqsiyaadka daacad ah ee sida wayn uga qayb qaatay horumarka la tilmaamo inay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Dalkan ka qabatay,waxa uu sidoo kale dadaal dheer u soo galay loolankii Xisbiga kulmiye talada dalka ku qabsaday isagoo ahaa qofkii ugu dhawaa Madaxweyne Siilaanyo balse waxa uu marqudha iska casilay Xilka Wasaaradda Madaxtooyadda kadib markii uu saluugay qaabkii loo qaban qaabiyay Shirweynihii golaha dhexe ee Xisiga Kulmiye ee lagu soo Cumaaday Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Saylici.

Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa lagu majeertaa waxqabad iyo shakhsiyad hawl-karnimo muddadii uu joogay xilka qaranka gaar ahaan wasaaradda Madaxtooyada Somaliland iyo dadaalkii uu ka galay dhinaca horumarinta waddooyinka, ahaana gacanta koowaad ee Madaxweyne Siilaanyo, balse xukuumadda xilkii uu ka hayay iskii isaga tagay markii uu saluugay qaabkii ay u dhacday doorashadii xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE.

Comments are closed