|

Madaxweyne Biixi oo war ka soo saaray khilaafka soo kala dhexgalay guddida doorashooyinka

Hargeysa (SD) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii u horeysay hadal yaab leh ka soo saaray khilaafka hareeyay hogaanka Guddida Doorashooyinka Somaliland.

Guddida ayaa shalay soo saaray qoraalo lidi isku ahaa oo sheegay in xilkii guddoomiyenimo laga qaaday Cabdirashiid Riyo-Raac isla markaana ay xilkaa u doorteen Katuun Cabdi.

War uu maanta soo saaray wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore ayaa lagu xaqiijiyay in Madaxweynuhu isla shalay la kulmay guddida uuna kula talyay in ay shrciga ku kala baxaan.

Sida ay qabaan xeeldheereyaasha siyaasada Somaliland, khilaafka in uu madaxweynuhu daref ka yahay si uu mudo kororsi uga sharciyesto, taas oo ay guddidu ku kala aragti duwan tahay.

Madaxweynaha ayaa damacsan in uu soo hormariyo doorashooyinka axsaabta, sidaana uu mudo kororsi iyo axsaab uu isagu soo xushay doorasho ugu galo.

 

Comments are closed