Uncategorized

Madaxweyne Cabdiweli Gaas Oo Mooshin ka dhan ah Loo Gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Akhri

Garowe 13.May 2015 (SDN/QJ)- Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa loo gudbiyey Warqad ay ku Saxiixan yihiin Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo lagu dalbanayo kal fadhi deg deg ah oo Baarlamaanku yeeshaan.
Kalfadhigan ayaa ah mid ay ku dalbanayaan in ay keenaan Mooshin ka dhan ah Xukuumada Cabdiweli Gaas oo lagu eedeeyey inay ku fashilantay balan qaadyadii ay sameeyeen markii ay hogaanka dalka Qabteen.

Mid kamid ah Xildhibaanada Mooshinka wada ayaa sheegay inay kalfadhiga u dalbadeen si ay mooshin uga keenaan Xukuumada hada jirta, Waxayna Xuseen inay ka dhiidhiyeen xalaado ay ku sheegeen amaan xumo, dhaqaale xumo iyo siyaasad aan fiicneyn.

Akhriso Warqada ay qoreen Xildhibaanada iyo magacyadooda
Sax

Sax2