|

Madaxweyne Farmaajo oo goordhaw safarkiisii ugu horeeyay ugu ambo baxay Muqdisho

Muqdisho 23. February 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa goordhaw safarkii ugu horeeyay waxa uu uga ambo baxay Magaalada Muqdisho oo shalay lagu caleemo saaray.

Sida aan wararka ku heleyno diyaarad gaar ah ayaa Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi la socday ka qaaday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, waxa ayna u ambo baxeen Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Ujeedka safarka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay mid uu ku doonayo in uu kusoo cumreesto ugana soo duceeyo umada Soomaaliyeed Kacbada, waxaana la filayaa in dhawaan dalka uu dib ugu soo laabto.

Madaxweyne Farmaajo ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horeeyay ee safarkiisa ugu horeeya ku bilaabin wadamada dariska ah, Madaxweyne Farmaajo ayaana ah nin heesta taageerada iyo kalsoonida Shacabka Soomaaliyeed.

Comments are closed