|

War Deg deg ah: Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Raisul wasaaraha Somalia (Magaca iyo Qabiilka)

Muqdisho 23. February 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa magacaabay raisul wasaare cusub oo ay yeellan doonto dowladiisa sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya xarunta Madaxtooyada.

Xasan Cali Khayre oo ah Nin dhalinyaro ah ayaa loo magacaabay xilka raisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya , ninkan oo ah Aqoonyahan ayaana kasoo jeeda Beesha Murusade gaar ahaan Foor Culus Habar Ceyno.

Madaxweynaha ayaa boggiisa Twitterka ku xaqijiyey magacaabista raisul wasaaraha cusub.

“Waxaan xilka Ra’isul Wasaaraha u magacaabay Mudane Xasan Cali Khayre. Alle ha u fududeeyo hawsha culus. Waxaan codsanayaa in lala shaqeeyo” ayuu ku yiri madaxweynaha qoraalka uu soo dhigay boggiisa Twitterka.

Xasan Cali Kheyre raisul wasaaraha cusub ee Somalia waa nin aan wax badan laga aqoon oo ku cusub saaxada siyaasada Somalia, wuxuu madax ka ahaa Hey’adda NRC ee dalka Norway.

Sidoo kale, Xasan ayaa ka mid ahaa Madaxda Shirkadda Soma Oil and Gas ee laga leeyahay dalka Britain, iyo la taliyeyaasha Madaxweynihii xilka ka degay Xasan Shiikh Maxamuud

Taariikh nololeedkiisa oo dhameystiran iyo warbixino kale oo ku saabsan raisul wasaraha la magacaabay kala soco wararkeena ugu horeeya Insha ALLAAH.

Dhinaca kale, Maxamed C/llaahi Farmaajo madaxweynaha Somalia ayaa saaka aroornimadii ka dhoofay Muqdisho isagoo ku sii jeeda dalka Sacuudiga ka dib casuumad uu ka helay boqorka dalkaas, waxaana loo soo diray dayuurad gaar ah.

Comments are closed