|

Sidee looga dareemay Muqdisho Magacaabista Raysal-Wasaaraha cusub ee Soomaaliya ?

Muqdisho 23. February 2017 (SDN/QJ):-Magaalada Muqdisho ayaa saakay oo Khamiis ah waxaa si weyn looga hadal hayaa magacaabista Ra’isul Wasaaraha Cusub ee Xukuumada Soomaaliya uu magacaabay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo.

Magacaabista Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oon la fileyn in si deg deg ah loo magacaabayo ayaa mar qura saakay dadku kusoo tooseyn iyada uu Suuqa ku jiro akhbaarta Ra’isul Wasaaraha la magaacabay,

Waxaa xusid mudan in aysan jirin cid heysay xog ku saabsan magacaabista R/Wsaaaraha Soomaaliya iyo Shakhsiga loo magacaabi doono, waxaana suuqa ku jiray magacyada siyaasiyiin kale oo damac kaga jiray xilka R/Wasaaraha Soomaaliya.

Muqdisho ayaa saakay hadal heynta ugu badan ay tahay magacaabista Ra’isul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, waxaana qof kasta oo maqla in la magacaabay R/Wasaare su”aasha koobaad uu dadka weediinayo ay aheed waa qabiilkee ninka la magacabay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qaatay go’aan geesinimo leh uu kusoo xushay shakhsiga uu ku aamini karo xilka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, waxaana xilkaasi nasiib u yeeshay in loo magacaabo Xasan Cali Kheyre oo ah nin dhalinyaro ah oo sumcad badan ku dhax leh bulshada Soomaaliyeed.

Siyaasiyiinta iyo Shacabka Soomaaliyeed ayaa muujiyay in Madaxweyne Farmaajo uu soo xushay shakhsi mudan xilka loo magacabay kana soo bixi kara, waxa ayna shacabku aadau taageereen in Madaxweynaha uusan qabiil kusoo xulan R/Wasaaraha balse karti iyo aqoon kusoo xushay.

Ra’isul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ah nin dhalinyaro ah oon siyaasada horey ugu dhax jirin, waxa uuna sanado badan madax ka ahaa Hay’ada NRC , waxa uu sidoo kale kamid ahaa Madaxda Shirkada Som Gas and Oil, waana nin khibrad iyo aqoon badan leh.

Comments are closed