|

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Qorshihiisa Somaliland, Al-Shabaab, Deriska, Caalamka iyo Dhinacyo kale DAAWO

Muqdisho 23. February 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Maxamed (Farmaajo), ayaa Khudbad dhinacyo badan uu kaga hadlay ka jeediyey Munaasibaddii caleemo-saarkiisa oo Arbacadii Shalay  lagu qabtay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, taasoo ay ka qaybgaleen Madaxweynayaal, Raysal-wasaarayaal iyo Masuuliyiin kale oo ka kala socday 12 waddan oo dunida ah.

Madaxweyne Farmaajo oo ay Garbihiisa taagnaayeen labadii Madaxweyne ee isaga xilkan uga horreeyey Xasan Sheekh Maxamuud oo uu xilka kala wareegay iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Xasan xilka ku wareejiyey afar sano ka hor, isla markaana ah labadii Musharrax ee ay wareeggii u dambeeyey ee doorashada wada galeen 8-dii bishan, ayaa Khudbaddiisa kaga hadlay xidhiidha dawladdiisu la yeelan doonto dawladaha deriska la ah Soomaaliya, Maamul-goboleedyada Soomaaliya, Wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya, Qorshaha kooxda Al-Shabaab la-dagaallankeeda uga meel yaal.

Waxa kale oo uu Farmaajo khudbaddiisa kaga hadlay, xidhiidhka Ganacsiga, Siyaasadda, Nabadgelyada, Wada-shaqaynta Soomaaliya, dalalka la deriska ah iyo waddamada Dunida, doorka Beesha caalamka iyo Soomaaliya, dhismaha Ciidammada Qaranka Soomaaliya, hirgelinta hannaanka dib-u-heshiisiinta, kala xidhnaanta magaalada Gaalkacyo iyo waxa uu ka qaban doono Xaaladda Abaaraha baahsan ee Soomaaliya ka taagan, cadaaladda, dib-u-dhiska, la-dagaallanka Musuqmaasuqa, hirgelinta hannaan dawladeed oo la xisaabtan leh iyo qodobbo kale ayuu khudbaddiisa kaga hadlay Madaxweyne Farmaajo.

Haddaba, Khudbadda dheer ee uu Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ka jeediyey Munaasibadda Caleemo-saarkiisa iyo waxa uu kaga hadlay-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:

Comments are closed