Uncategorized

Madaxweyne Geele oo Maraykanka Gaadhay,Xili la Abaabulayo Mudaharaad ka dhan ah Imaatinkiisa

geele04,May,2014 (SDN/QJ)-Madaxwaynaha wadanka Djibouti mudane Ismail Omer Geele iyo wafdi balaadhan oo uu hogaaminayo, ayaa saaka ka dagay giroonka wayn ee ciidama Markanka andrews ee ku yaala gobolka Marland ee duleedka magaalasda waashington.

Wafdiga waxaa soo dhaweeyay saraakii ka socota wasaarada arima dibada, cidamada marakanka iyo safaarada wadanka DJibouti. Wuxuuna ka gudoomay salaan sharaf cutubyo ka tirsan ciidamada wadanka marakanka.

Dhinaca kalena,waxa safarkiisa Boog madaw ku noqotay dad la sheegayo Inay Abaabulayaan Mudaharaad laga soo Horjeedo safarka Madaxweyne Geele ee Waddanka Maraykanka.dadkan ayaa la sheegayaa inay ka cabanayaan gacanta Adage  ee ay Xukuumadda uu Gadh-wadeenka ka yahay ku Hayso dhaq-dhaqaaqa Mucaaradka Dalk Jamuuriyadda Jabuuti iyo Heerka ilaalinta Xuquuqda  Aadanaha oo aad u hooseysa.

Waxa kale ay Haay’adaha Maaliyadeed ee Caalamku ku sheegeen Xukuumadda Geele inay tahay mid ay ragaadiyeen Musuq maasuq hoos u dhigay Nolashii dadka caadiga ah ee dalkaasi.

SDN/QJ-Washington

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com