|

Wasiiro,Gudoomiyeyaal & Mas’uuliyiin Sare oo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka tirsan oo ay Dhaqan u Noqotay inay Warbaahinta Isaga Jawaabaan & Sawirka Xun ee ay ka Bixinayaan Kala Danbaynta Dawladnimo & Talaabo laga rabo in Hogaanka Qaranku Dheg xumidaas kaga Gilgisho DAAWO

Hargaysa 31. August 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Muuqata in badan oo ka mid ah Madaxda ka hoos shaqaysa Madaxweyne Siilaanyo inay Lumiyeen haybadii dawladnimo ee kala danbaynta ahayd Isla markaana ay Warbaahinta isu mariyaan Jawaabo kala gedisan oo cunfiga dawladnimo waxyeelo ku ah.

Arrintani Waxay dhaawac ku tahay Milgaha dawladnimo Waxaana looga Fadhiyaa Madaxweyne Siilaanyo iyo Ku Xigeenkiisa Saylici inay ummada ka qanciyaan Isu jawaabista Mas’uuliyiinta dawlada.

Waxaa u furan Mas’uuliyiinta habdhaqankan ku sifoobay in wixii tabasho ah ee ay qabaan u gudbiyaan Madaxweynaha amase Madaxweyne Ku Xigeenka Halkii ay Warbaahin soo Fadhiisan lahaayeen iyadoo qaarkood ay Mobiladooda isaga duubaan hadalka ay ka jawaabayaan sidaasna ay warbaahintu ku qaadato.

Waxaa Maanta ku Waajib ah Madaxweyne Siilaanyo oo ku Jira ayaamihiisii u danbeeyay ee Xil haynta qaranka inuu dheg xumida maamulkiisa la soo deristay uu kaga falceliyo si toolmoon si aanay u sii socon hab nidaameedkan guracani kaas oo aan lagu arag Xukuumadihii ka horeeyay tan Madaxweyne Siilaanyo oo inta badan ay ka Muuqato is dhex yaac Muujinaya in aanay awooduhu u kala xadidnayn.

Comments are closed