|

Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore ee somaliland Mudane Cabdiraxmaan Aw Cali oo Murrashaxiinta Xisbiyada Baaq  u Diray ,Shacabkana Talo u Jeejiyay

Hargaysa 11. October 2017 (SDN/QJ):- Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, ayaa murrashaxiinta  madaxnimada ku tartamaaya ugu baaqay inay ilaaliyaan jiritaanka Somaliland, isla markaasna ay aqbalaan natiijada doorashada madaxtooyada ka soo baxda.

Mudane Cabdiraxmaan Aw Cali waxa kaloo  uu shacbiga reer Somaliland uu ugu baaqay in aanay coloobin ee ay xisbiyada codka ugu ridaan.

Isaga oo ka hadlayey madal uu qabtay Abwaan Xasan Dhuxul Laabsalaax oo lagu soo bandhigayey Maanso arrimaha doorashooyinka iyo xaaladda uu dalku marayo ka hadlaysa waxa uu yidhi “Laba jeer ooh ore ayey doorashadu inoo soo dhacday oo mar waxay ahayd markii siddeetanka cod nalagaga helay, aniga iyo madaxweyne Siilaanyo aaraa badan ayaa is dhex maraysay waar waa layna dhacay ee ka kaca waliba madaxweyne jabhadii ku soo jiray ayuu ahaaye askari muu ahayn, ninka la tuhmay aniga ayuu ahaa waar meesha ka kac adiga ayaa askari ah ee wax iska celiya, ma intaas ayaa laynagaga qaadayaa, waxa nagala qiimo weynaatay inay Somaliland jirto in dimuqraadiyada Somaliland ay sii socoto in wanaaga dalku uu sii socdo, ayaa nagala qiimo weynaaday inaanu anagu kuraastayada ku dagaalano, taasi mid ayay ahayd, mar labaadkii waxaya ahayd Daahir Rayaale Kaahin madaxweynii hore markii doorashada natiijadeedu soo baxday waxa lagu yidhi ha yeelin jawaabta uu bixiyay waad ogaydeen mid taarikhi ah ayey ahayd, Somaliland aniga gacantayda ku burburimayso ayuu yidhi.”

Waxa kaloo uu intaas raaciyay; “Ragga imika tartamaaya ee walaaladayo ah waxaannu ka filaynaa sidaas oo kale, ciddii hesha doorashada ee ilaahay keeno waa in inta kale gacan qaado, oo sidaas ragii horeba yeelay inay iyaguna yeelaan, midna waan idiin sheegayaa dadweynoow waxa laydinku leeyahay codka noogu rida laakiin colaatama laydinkuma laha.”

Comments are closed