|

Wareegto uu Madaxweyne Siilaanyo soo Saaray 7 Sano ka Hor ayaa Sabab u ah Muranka Hay’ada Shaqaalaha Dawlada,Guddida Anshaxa Doorashadda Iyo Agaasimaha Komiishanka AIDS-ka!!

Hargaysa 11. October 2017 (SDN/QJ):- Lix iyo tobankii bishii Siddeedaad ee sannadkii 2010 ka ayaa ay ahayd markii madaxweyne Siilaanyo oo xilka hayey laba toddobaad oo keliyi uu soo saaray wareegto markiiba su’aalo dhalisay oo uu ku magacaabayo Afar masuul oo uu ka mid yahay Cabdikariim Axmed Xinif.

Mudane Cabdikariin waxaa uu madaxweynuhu u magacaabay xil Afingiriisi ku qornaa oo macnihiisu u dhignaa Agaasimaha maamulka iyo maaliyadda ee Komishanka AIDS,  waxa aana magacaabistan ku wehelinayey saddex masuul oo kale oo iyaguna xilal la darajo ah looga magacaabay isla hay’addan.

 

In kasta oo aanu markaas jirin xeerka kala xadaynta hay’adaha dawladda ama xeer kale oo madaxweynaha si toos ah ugu diidaya in uu xilalkan magacaabo haddana waxa ay arrintani ahayd mid ka baxsan dhaqankii dawladnimo ee hore u jiray iyo xitaa ka caadiga ah ee la yaqaanno oo ah in masuuliyiinta sidaas u darajada hoosaysa magacaabistooda loo daayo masuuliyiinta hay’adda maamulkeeda loo magacaabo.

 

Doodda sharci iyo siyaasadeed ee arrintan la geliyey ka sokow, waxaa su’aalo badani ay yimaaddeen markii madaxweyne Siilaanyo uu magacaabi waayey xilalkii afartan xil la midka ahaa ama u dhigmayey ee komishannadii kale ee la midka ahaa SOLNAC, sida Komishanka Maamulwanaagga, Komishanka Tayada iyo Komishanka  mihnadleyaasha caafimaadka.

 

Waxa ay arrintani u muuqatay xasaanad siyaasi ah oo uu madaxweyne Siilaanyo u doorbiday masuuliyiinta uu hay’addan u magacaabay, ama darajo la dheeraysiinayey dhiggooda komishannada la midka ah jooga si ay ugu helaan sarrayn iyo maamuus gaar ah oo aanay helayn kuwa la midka ahaa ee xitaa ay ku jiraan masuuliyiinta maamulka iyo lacagta ee wasaaradaha oo iyaga uu madaxweynuhu u dhaafay wasiirrada wasaaradaha jooga. Taas oo dabcan ah, dabeecadda qumman ee looga bartay dawladnimada. Si aanu dhaawacmin nidaamka iyo kala dambaynta xafiiska oo masuul hoose sida Mudane Xinif iyo masuuliyiinta sare ee hay’adda sida Guddoomiyuhu aanay noqon kuwo isbarbar socod ka dhex abuurmi karo sababta qaabak loo magacaabay darteed.

 

Dooddaas qabtay in magacaabista madaxweynuhu masuuliyiintan xasaanad u noqonaysaa waxa mar kale soo noqotay markii dhowaan guddida anshaxa ee Komishanka Doorashooyinku ay soo saareen qoraal ku socda hay’adda Shaqaalaha oo ay ku dalbanayaan in tallaabo sharci laga qaado agaasimaha Maaraynta iyo lacagta ee Komishanka SOLNAC oo xil ol’olaha doorashada la xidhiidha looga magacaabay xisbiga Kulmiye, taas oo ay komishanku u arkeen in ay jebinayso xeerka shaqaalaha ka mamnuucaya siyaasadda.

 

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Mudane Sharmaarke Muxumed Geelle ayaa qoraal uu Guddida anshaxa ugu jawaabay ku sheegay in arrinta Mudane Cabdikariim Xinif ay u taallo madaxtooyada maadaama oo uu digreeto ku magacaaban yahay, taasina ka dhigayso shaqaale aan joogto ahayn, waxa ay hay’addiisu maamushaana ay yihiin shaqaalaha joogtada ah.

 

Agaasimaha maaraynta iyo maaliyada komishanka AIDS-ka Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif), oo sida uu u hadlayey ay ka muuqato in uu digreetadii magacaabista ee madaxweynaha u arko calaamad ka soocaysa shaqaalaha siyaasadda loo diiddan yahay ayaa sheegay inuu is casilaayo hadii garyaqaanka guud uu sharci ahaan sheego inuu ku jiro shaqaalaha dawlada. Cabdikariim Xinnif ayaa iska difaacay anshaxa marin guddida anshaxa ee komishanka doorashooyinku ay dalbadeen in la mariyo masuulkan.

 

Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif) oo warbaahinta la hadlaayay waxa uu yidhi”Shaqaalaha dawladu laba ayuu u qaybsan yahay shaqaale joogto ah iyo shaqaale aan joogto ahayn, shaqaalaha joogtada ahi maxuu kaga duwan yahay shaqaalaha aan joogtada ahayn, waa inuu u jiraa bayroolka haayada shaqaalaha dawlada, waa inuu shaqaale ku noqday imtaxaan ay haayada shaqaaluhu ka qaaday ama ay iyadu si toos ah u shaqo galisay, waa inuu leeyahay darajo uu mushahar ku qaato,waa inuu leeyahay xuquuq ama marka uu gaboobo uu leeyahay xuquuq sharci oo la siinaayo, mushaharkoodkooda waa in laga jaraa lacagta hawlgabka ee wasaarada maaliyadu ay qaado, waxa uu shaqaalaha joogtada ahi mushaharka ka qaataa sanduuqa 2111, ka aan joogtada ahayna 2112 sanduuqan danbe waxa ka mid ah shaqaalaha ka qaata wasiirada,haayadaha madaxbanaan ee dawlada waxaana la yidhaahdaa shaqaalaha aan joogtada ahayn.”

 

Afhayeenka madaxtooyada Xuseen Dayer oo uu wargeysak Geeska Afrika la xidhiidhay si uu wax uga weydiiyo go’aanka madaxweynaha ee arrintan Guddoomiyaha shaqaaluhu ku soo riixay dhinaciisa ayaa sheegay in aanay madaxtooyadu wali wax war ah arintaas ka soo saarin. Afhayeenka oo khadka talefanka kala hadlay saxafi ka tirsan Geeska Afrika ayaa si kooban u yidhi, “Wax war ah oo ilaa hadda aanu ka soo saarnay ma jirto”

 

Arrinta mudane Xinif hadda go’aankeeda sharci waxaa laga sugayaa Garyaqaanka guud ee Qaranka oo leh go’aanka in Mudane Xinnif uu sharci-jebin sameeyey iyo in kale, halka madaxweyne Siilaanyana laga sugayo go’aanka ciqaabeed ee uu masuulkan ka qaadayo haddii ay caddaato in uu sharci jebiyey.

 

Si kastaba ha ahaato ee jaahwareerka muuqda ee la xidhiidha arrinta agaasimaha maaraynta iyo lacagta ee SOLNAC iyo isku riix-riixa cidda ay tahay in ay go’aan ka gaadhaa waa dambarka qaabkii uu marka horeba madaxweyne Siilaanyo u magacaabay oo dood badan abuuri kara, maadaama oo ay ahayd magacaabis u gaar Mudane Cabdikariin Xinif iyo masuuliyiin la darajo ah oo ka hawlgalayey SOLNAC.

 

Waxaa iyaduna xaqiiqo ah in xitaa haddii la raaco dooda mudane Xinif in ay isweydiintu tahay wareegtada madaxweynuhu ku magacaabay ma noqon kartaa rukhsad xafiiskiisa oo ka mid ah shaqaalaha hoose ee komishanku u fasaxaysa siyaasadda.

Leave a Reply