|

Madaxweyne Muuse Biixi oo Shaqo ka Joojin ku Sameeyay 109 Xubnood oo ka mid ahaa Hawl-wadeenada Qasriga Madaxtooyadda!!

Hargaysa 11. January 2018 (SDN/QJ):-Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa shaqadii ka joojiyay shaqaale tiradoodu ay dhan tahay 109 shaqaale ah oo ka howl  gala Madaxtooyada Somaliland waxaana lagu wargaliyay in laga wareejiyayo Madaxtooyada iyadoo loo wareejiyo wasaaradaha Cusub ee dhawaaan Madaxwayne Muuse Biixi uu magacaabay.

Talaabadan ayaa ka dambaysay ka dib markii  ay xad-dhaaf noqdeen shaqaalaha ka howl gala Madaxtooyada Somaliland.

 

Dhinaca kale waxaa jira in qaar badan oo ka mid ah shaqaalaha  laga fadhiinayo shaqadda , Xogtani ayaa waxaa noo xaqiijiyay illo u dhow xaruntaasi, mana jiro wax war ah oo wali ka soo baxay Madaxtooyada somaliland

 

Waa markii ugu horaysay ee shaqaale tirada intaa leeg laga wareejiyo goob ay ka shaqeenayeen muddo dheer.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa Xiligii uu ku Jiray Ololihii Doorashadda Madaxtooyadda ee sannadkii tegay qabsoontay waxa uu ku ololeeyay inuu kor u qaadi doono shaqo abuurka oo ah baahida ugu culus ee Somaliland ka taagan.

Comments are closed